Daawo: Qoshaha Cabdi Weli Maxamed Qanyare oo digniin culus laga bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweynaha iska leh dhul ku yaalla degmada Dayniile, oo uu Cabdi Weli Qanyare isku dayayo inuu dhaco, ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay kaga digayaan qorshahaas.

Shirka jaraa’id, oo laga sii daayey Universal TV, ayaa waxa ay ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka uga digayeen inaysan ku kadsoomin falka boobka ah ee Cabdi Weli Maxamed Qanayre.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Cabdi Weli Qanyare uu toddobaadkii tagay wasiiro ka tirsan DF geeyey dhulkan ku yaalla Dayniile, oo hadda ka hor uu dhacay aabihiis Maxamed Qanyare Afrax, balse laga soo celiyey markii ay maxkamadaha islaamiga ah qabsadeen Muqdisho.

Waxa uu Cabdi Weli Qanyare u sheegay wasiirada DF inuu doonay inuu dib u furo garoonkaas, si uu magaca dowladda ugu dhex qariyo qorshihiisa dhul boobka.

Dadkii ka hadlay shirkan jaraa’id, oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Barrey Siid Cali iyo Ismaaciil Maxamed Siid Cali, oo dhulkan wax ka leh, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta dhul boobka uu wado Cabdi Weli Qanyare.

Waxa ay dowladda Somalia u sheegeen inay suurta gal ahayn in Cabdi Weli Qanyare uu mar kale dib u xoogay dhul aabihiis laga soo ceshtay, ayaga oo maaulka gobolka iyo guddoomiye Muungaab ka codsaday inay arrinta soo fara-geliyaan.

Waxa ay sheegeen in dhulka yahay mid sharciyeysan ayna haystaan waraaqadaha milkiyadda dhulka, ayna nafta ag dhigi doonaan, una dhiman doonaan si ay Cabdi Weli Qanyare isaga dhacshaan.

“Suuta gal ma ahan, waxaan dowladda u sheegeynaa in dhul dad lee yihiin, aan laga dhaadhicin in garoon laga dhigayo” ayay yiraahdeen.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id, kana billow daqiiqadda 43

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com