Ethiopia oo qabaneysa wixii uu Xasan Sheekh qaban waayey (Warbixin)

Dowladda Itoobiya laga soo bilaabo markii ay dhacdey Dowladi Miltariga ahayd waxay Galaagal ku lahayd arrimaha Siyaasada Soomaaliya, waxayna Milatatri ahaan Soomaaliya Ciidamadeedii Xoog u soo gelisey Sannadki 2006 , Xiligaas oo ay taageereysey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf oo Dagaal ku soo qaadey Ciidamadii Maxaakiimta Islaamka , haatan waxay Ciidamadeeda ku jiraan Gobolo ka mid ah Soomaaliya mar ay u Xuubsiibatey ama ku biirtey Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, iyadoo taasi jirto ayaa warar aan heley waxay sheegayaan in Dowlada Itoobiya ay dooneyso in ay Dhexdhaxaadiso Maamulada isku haya Magaalada Bayadhabo.

Wararka waxaa uu intaa ku darayaan in marka Dowlada Federaalka ay ka quusato arrimaha ka taagan Magaalada Bayadho Heshiisiintooda la sheegey in ay isku hayaan Maamul sheegayanay Lix Gobol iyo Maamul sheegayanaya Saddex Gobol in Dowlada Itoobya ay isugu geeyso Magaalada Adis –Ababa si halkaas loogu dhexdhexaadiyo loona dhameeyo Siyaasada Cakiran ee ka taagan Magaaladda Bayadhabo sida Sannadkii hore dhacdey Bishii Agoosto 28 2013 waxaa Magaalada Adis-Ababa Heshiis ku gaarey Maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalka kaasoo ay Garwadeen ka ahayd Dowladda Itoobiya .

Siyaasiyiin si aad ah ugu Dhuun Daloola Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Dowladda Itoobiya ay dooneyso in labada Dhinac ee isku haya Magaaladda Baydhabo mid waliba uu Tanaasul Sameeyo,si meel dhexE ay Dowladda Itoobiya isugu keento hase yeeshee warar baa sheegaya in Itoobiya ay dooneyso in ay taageerto Dhinaca Saddex Gobol,maadaamaSadexda Gobol oo ka mid ah Gobolada la isku hayo ay Dowladda Itoobiya ay dooneyso in loo dhaafo Dowladda Kenya.

Dowladda Itoobiya haddii ay ku Guuleysato in ay dhexdhexaadiso Labada Kooxood ee isku haya Magaaladda Baydhabo waxaa u hirgalaya Hamigeedii ahaa in inta badan Gobolada Maamulada ka jira ay Gacantooda soo gasho oo qaar ka mid ah ay Milatari ahaan ku joogto kuwa kalena ay ka shaqeyaaan Siyaasadeeda sida Maamulada Soomaaliland iyo Pundland iyadoo Maamulka ka jira Jubbooyinka uu ahaa Maamul iyadu ka soo Shaqeysey in heshiis lagu gaaro Dalkeeda .

“Kooxaha isku haya Magaaladda Baydhabo haddii ay qaadan waayaan Heshiiska ay wadaan Saddexda masuul ee ugu Sareysa Dowladda Federaalka Waxaa Ayaandaro noqoneysa in Kooxahaas ay qaataan Heshiis ay wado Dowlada Itoobiya ee ay ku dooneyso in lagu dhameeyo Xiisadda ka taagan Magaalada Baydhabo ” ayuu yiri mid ka mid Siyaasiyiinta Baydhabo oo aan midna taageersaneyn Labada Maamul ee looga dhawaaqey Magaalad, isagoo u soo jeediyey Labadaas kooxood in ay qaataan talooyinka Madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

Dowlada Itoobiya ayaa hore ugu Guuleysatey in Dalkeeda ku martigeliso Heshiis ay wada gaareen Maamulka Axmed Madoobe iyo Dowladda Federaalka ka dib markii ay Dowlada Federaalka ay Dhow jeer isku daydey in heshiis laga gaaro xaalada Magaaladda Kismaayo hadaba soo ma Muuqato in Baydhabo ay marto halkii ay martey Magaalada Ksimaayo, oo Labada Kooxood ee isku haya Baydhabo la isugu geeyo Adis-Ababa oo ay arrintu noqoto “ Tashan Waydaye waa laguu Talin.”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk