WAR fiican oo usoo yeeray KENYATTA

Maxkamada Danbiyada Caalamiga (ICC) ayaa dib u dhigtay dacwadda Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ilaa iyo bisha October 7-deeda, iyada oo wakhti dheeraad ah siinaysa Kenya si ay u raadiso dukumintiyo ay xeer-ilaalintu doonayso.

ICC-ta ayaa siisay Kenya “wakhti dheeraad ah oo xaddidan oo fursad u siinaysa in ay keenaan dukumintiyo mucayan ah oo hadda ka hor ay xeer-llaalintu codsatay iyada oo asal arintaasi uga dhigtay in dukumintigaasi uu xidhiidh la leeyahay eedaymaha muhiimka ah ee dacwaddan”, hay’ada ICC ee saldhigeedu yahay The Hauge ayaa sidaas hadal qoraal ah ku sheegtay.

Xeer-llaalinta ayaa codsatay xogta maaliyadeed ee Kenyatta, iyaga oo sheegaya in ay ay arrintaasi caddaynayso in uu ka qaybqaatay maal-galinta colaadihii ka danbeeyay doorashadii 2007-2008-dii taas oo lagu dilay in ka badan 1,100.

Dacwada Kenyatta ayaa wakhti aan la cayimin dib loo dhigay bishii January 23-keedii kadib markii Xeer-ilaaliyaha Guud Fatou Bensouda ay sheegtay in aysan haysanin caddayn ku filan oo ay ku sii waddo kayskan.

Shir lagu ogaanayo xaaladdu meesha ay marayso ayaa la qoondeeyay in la qabto July 9-keeda, markaas oo ay maxkamaddu dhagaysan doonto waxyaabihii ka soo cusboonaaday wada-shaqaynta ay Kenya ka sameeysay keenidda xogta maaliyadeed, Capital News FM-ka Kenya ayaa sidaas sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com