Maamulka 3-gobal oo soo dhaweeyay taageero uga timid Puntland & Jubba

Baydhabo (Caasimada Online)-Maamulka seddaxda gobal ee looga dhawaaqay dhawaan magaalada Baydhabo ayaa soo dhaweeyay taageero ay sheegeen in loo soo diray maamulkooda, kana yimid maamulada Puntland iyo kan KMG ah ee Jubba.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka lixda gobal, Maxamed Xasan Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan taageerada uga timid maamulada Puntland iyo Jubba.

Wuxuu sheegay oo kale in ay soo dhaweenayaan taageerada maamulkooda seddaxda gobal ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa kaloo uu sheegay in ay u mahadcelinayaan teerada uga timid Puntland iyo Jubba kuwaasoo aqoonsaday maamulka seddaxda gobal.

Waa markii ugu horreysay oo si toos ah loo sheego in Puntland iyo maamulka KMG ah ee Jubba la sheego in uu taageeran yahay maamulka seddaxda gobal.

Waxaa horrey u soo baxay warar sheegaya in Puntland iyo maamulka KMG ah ee Jubba ay dhaqaale ku bisay doorashadii ka dhacday Hotel Bakiin, maadama magaalada ay ka dhisan yihiin guryo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com