Dadkii fuliyey xasuuqii odayaasha oo la ogaaday, gacantana lagu soo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa wuxuu maanta shaaca ka qaaday in la qabtay afar nin, oo loo haysto xasuuqa Odayaashii Dhaqanka ee lagu laayay duleedka Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay.

Odayaasha la laayay, ayaa tiradoodu lagu sheegay 7 ruux, iyadoo uu la socday nin dhalinyaro ahaa, oo lala dilay Odayaasha Dhaqanka, waxayna tirada guud ee dadka la laayay ay ka dhigeysaa 8 ruux.

General C/xakiin Daahir Saacid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay daba gal ku sameeyeen tuhunka ku aadan, raggii laayay Odayaasha Dhaqanka.

Taliyaha Booliska wuxuu xusay in ay gacanta ku hayaan afar nin, iyadoo laba ka mid ah uu sheegay in lagu qabtay Degmada Buur Hakaba, halka labada kalana uu sheegay in lagu qabtay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

“Ciidamadu waxa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan afar ka mid ah ragga lagu tuhmayo in ay falkaasi geysteen, labo ka mid ah waxaa laga qabtay Degmada Buur Hakaba, labadana waxaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo.” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska ee Dowladda.

Sidoo kale Masuulkaan, ayaa sheegay in ay jiraan niman kale oo lala xiriirinaayo ku lug lahaanshaha dilka Odayaasha Dhaqanka, isla-markaana ay ku daba jiraan laamaha ammaanka.

General Saacid muusan sheegin cidda ay ka tirsan yihiin amaba adeegsatay 4-ta nin ee gacanta lagu soo dhigay, ee uu sheegay in lala xiriirinaayo Odayaasha Dhaqanka ee la xasuuqay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com