Sheekh caan ka ah SOMALILAND oo ku dhowaaqay hadal qiimo weyn leh

Hargeysa (Caasimada Online) – Mid ka mid ah wadaadada caanka ah ee sida weyn looga qadariyo deegaanada maamulka Somaliland,  ayaa ku dhowaaqay hadal qiimo weyn leh oo ku saabsan midnimada Somalia.

Sheekh Xasan Daheeye, oo Khudbad u jeedinayay Arday qalin jabisay, ayaa sheegay in Midnimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Shiikh Xasan Daheeye ayaa Ardayda uu Khudbada u jeedinayay ku guubaabiyay, in ay midnimada dalka Soomaaliya ku fikiraan waxna u qabtaan, isagoo xusay dad badan oo cadow ku ah Soomaaliya ay doonayaan in la kala googooyo oo qeyb kastana wadan la raacsiiyo taasina aysan ugu jirin wax maslaxad ah dadka ku hadla afka Soomaaliga ee ku nool Geeska Afrika,  dhibaato mooyaane.

“Waxaa kale oo aan la hadlayaa Professor-da kuwa isku sheegaya oo macalimiin ka ah waddamada reer galbeedka oo wax ku soo barta canshuurtii Soomaaliya, oo waxaan lee yahay goobihii aad wax ku soo barateen sida Lafoole iyo kuliyaddii Gaheyr meeday, xaqii ay nagu lahaayeen, aaway xaqii uu nagu leehaa dhulkeenu, ogaada wax midnimo lagu waayey kala googo’ iyo tafaraaruq lagu heli maayo, aakhirana waa la isweydiinayaa” ayuu yiri Sheekh Daheeye.

Sheekh Xasan Daheeye ayaa ugu dambeyntii sheegay oo yiri “Midnimada Soomaaliya Waa Muqadas … Dhulka Ooyayoow Aamus Waa Lagu Imane Aamus”.

Hadalka Sheekh, ayaa la filayaa in mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ay aad uga carroodeen, mana cadda waxa ay ka sameyn doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com