Kenya oo xog ka bixisay wixii maanta qabsaday Soomaalida Islii ee Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa maanta oo Talaado ah qoray in howlgallo ciidamada ammaanka Kenya ay ka fuliyeen xaley iyo maanta maanta xaafadda Islii ee magaalada Nairobi lagu soo qabqabgtay in ka badan 650-qof oo Soomaali ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in howgallada lagu sugaayo ammaanka ee ka socda xaafaddaIslii ay sii socon doonaan ilaa inta gacanta lagu soo dhigaayo kooxaha weerarrada geesta.

War-qoraal ah oo ka soo baxay, Mr Lenku ayaa ka codsaday dadka deeganka in ay la shaqeeyaan hey’addaha ammaanka iyo dadka sidda muta dawacnimada ku caawinaya in la soo qabto kooxaha falalka argagixisada ka geesta Xaafadan Eastleigh.

In ka badan lix qof ayaa ku dhintay qaraxyada ilaa 30 kale waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada ka dhacay xaafadda Islii Isniintii habeenkeeda.

Qaraxyada oo ahaa seddax ayaa kala kala dhacay maqaayaddaha Sheraton Cafe iyo The New Kwa Muzairua Super Grill Centre iyo sidoo kale waddada 11th Street abaare 7.30pm.

Labada maqaayad ayaa isku jirra qiyaastii 300 metres.

10 ka mid ah dadka dhaawaca ayaa la geeyay Isbitaalka Kenyatta National Hospital sidoo kale 12 kale ayaa loo qaaday Isbitaallo kale oo hadda lagu daweenaayo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxyadaasi is xig xigay.

Qaraxii kuwan ka horreeyay ayaa waxaa uu Axadii ka dhacay xaafadda Pangani oo aan sidaa uga fogeyn xaafadda Islii, booliskana waxa ay sheegeen in uu ku dhintay qaraxaasi qof isku xir xirayay walxaha qarxa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com