Dhageyso: HAWIYE oo go’aan adag ka qaadatay DF “Yeeli mayno dowlad dul saaran beesha Hawiye oo kaliya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Hawiye ayaa kullan xasaasi ah oo runta loogu sheegay dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku yeelatay magaalada Muqdisho.

Ujeedada kullanka ayaa Hawiye waxa ay ku sheegeen sidii looga tashan lahaa aayaha beesha iyo iska qabashada cadaalad darrada dowladda federaalka ay ku hayso dadka iyo deegaanka Hawiye.

Beesha Hawiye waxa ay sheegtay inay dowladda Soomaaliya kusoo dhoweysay deeganadeeda oo ay ku jirto caasimada Soomaaliya, ayna siisay taageero aysan ka helin beelaha kale ee Soomaalida, laakiin loogu abaal gudaya oo kaliya dhib.

Beesha Hawiye waxa ay caddeysay inaysan hadda iyo wixii ka dambeeya aqbali doonin in dowladda federaalka ay noqoto dowlad ku tiirsan oo kaliya dhaqaalaha deegaanada iyo canshuur laga qaado Hawiye.

“Dhaqaalaha kasoo xarooda Muqdisho sida canshuurta iyo dekedda iyo garoonka diyaaradaha kaliya kuma filna dowladda, waa in gobol kasta iyo magaalo kasta dowladda ay dhaqaale ka qaadataa, oo aysan noqon oo kaliya dowlad Hawiye ku tiirsan” ayay tiri beesha.

Waxa ay dowladda Soomaaliya u caddeysay in haddii aysan u caddaalad falin karin Soomaalida oo dhan in Hawiye uu la xisaabtami doono dowladda.

“Waxaan dooneynaa in dhaqaalaha Muqdisho loo madax baneeyo maamulka gobolka, waan ogolnahay xaqa dowladda, ayadana xaqeenna waa inay na siisaa, haddii kale waan iska dhicineynaa” ayey tiri beesha Hawiye.

Go’aanka cad ee Hawiye ayaa ah mid muddo dadka Hawiye ay dhowrayeen, una adkeysan waayeen dowlad u jirta oo kaliya Hawiye iyo deegaankiisa, oo haddana horumarkii Muqdisho caqabad ku ah.

Xubanah Dowladda Soomaaliya ayaa ka kooban dhammaan beelaha Soomaaliyeed, hase yeeshee waxay gebigood joogaan Muqdisho, ayaga oo aan xittaa tagi karin deegaanada ay sheegtaan, waxaana lagu biilaa dhaqaalaha deegaanada Hawiye.

Waxaa intaas ka darran in xubnaha Hawiye ee dowladda ee uu Xasan Sheekh ugu horeeyo aysan dareemi karin siyaasadda xun ee socota, marnaba aysan u fikirin sidii dadkooda iyo deegaankooda ula mid noqon lahaa qeybaha kale ee Soomaaliya.

Hawiye waxa uu iminka doonayaa in Muqdisho ay noqoto magaalo ay dadkeeda u madax banaan yihiin, diyaarna u ah inay xaqii ay ku lahayd dowladda federaalka iska bixiso.

Go’aannada Hawiye ayaa la filayaa in taageero weyn ay ka helaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha ee daafaha dunida.

Halkan ka dhageyso go’aanka Hawiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com