26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: Imaamka Habar-Gidir oo aflagaado iyo habaar isugu daray Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka Beelaha Habar Gidir Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble, ayaa weerar culus oo habaar iyo aflagaado ka kooban ku qaaday madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Imaamkan ayaa sheegay in doorashada ka socota Soomaaliya ay tahay mid Musuqmaasuq uu daashaday taasina ay ugu wacantahay in Guddiga Doorashooyinka ay yihiin kuwa uu soo xulay Xasan Sheekh.

Waxa uu ku baaqay in Xasan Sheekh aan dib loo soo doorin, isaga oo habaar u hormariyey Xasan Sheekh iyo dadka kula jira dowladda, haddii mar kale dib loo soo doorto, una baryey inay “Cadaabta galaan”

Halkan hoose ka dhageyso codkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News