Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha waqtiga uu ka dhammaaday ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku fashilmay kulan siyaasadeed uu xalay doonayey inuu ka qabto magaalada Muqdisho, sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online.
Cumar Cabdirashiid ayaa hotelka Paradise ee magaalada Muqdisho oo u kireysan ku casuumay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka Dir-ta Waqooyi ee ku sugan Muqdisho, hase yeeshee waxa uu la laabtay madax xanuun markii cidna aysan soo xaadirin.
Dad hotel-ka ka shaqeeya ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka uu soo xaadiray kaliya ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore Ridwaan Xirsi Maxamed, oo Cumar Cabdirashiid ay isku dhow yihiin.
“Aad ayuu u carrooday, wuxuuna hotel-ka ka tagey isaga oo madax xanuun uu ka muuqdo, dhidid badanna uu ka baxayo” Waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay qof ka shaqeeya hotel-ka oo codsaday in magaciisa aan la xusin.
Kulanka ayaa Cumar Cabdirashiid waxa uu doonayey inuu siyaasiyiinta Dir-ta waqooyi kaga dhaadhiciyo inay taageeraan ololihiisa musharaxnimo, islamarkaana uu saameyn ku yeesho soo xulista xubnaha aqalka hoose ee beeshan matalaya.
Cumar Cabdirashiid ayaa horey ugu fashilmay isku day uu doonayey in doorashada xildhibaanada beeshan lagu qabto xarunta Xalane, waxaana iminka ay ka dhaceysaa xarunta Gaadiidka ee Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

