26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Dhageyso:- Jeneraal Galaal oo faahfaahin ka bixiyay heshiiska Galmudug iyo Ahlusuna

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimadda Online) – Janaraal Maxamad Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiishii hore ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya islamarkaana dhexdhexaadin ka wada Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa sheegay in wadahadaladaas intooda badan la isku fahmay.

Waxa uu sheegay in waxyaabihii lagu heshiiyay ay ka mid yihiin in Xarumaha Hay’addaha Galmudug ay ku Shaqeyaan lagala qaado, sida in Madaxda Maamulka ay ku Shaqeeyaan Dhuusa-Mareeb Xildhibaanadana Cadaado, halka Waaxda Garsoorkana loo wareejin doono Magaalada Cabduwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qodobadii lagu heshiiyay ay ka mid haayeen in labada Masuul ay siwadajir ah u boqdaan Magaalooyinka Cadaado oo Galgaduud ah iyo sidoo kale Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Labada dhinac ee Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa muddo laga shaqeynayay sidii ay u midoobi lahaayeen, isla markaana hal maamul isugu imaan lahaayeen, hase ahaatee dhowr jeer isku dayo la sameeyay ayaa lagu guuldareystay.

- Advertisement -

Read more

Local News