25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Khilaafka Maamul usameynta Hiiraan oo sii xoogeystay, Sabab? (Dhageyso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baladweyne (Caasimada Online) Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa wali ka taagan murunka iyo dooda ku aadan maamul u sameynta gobolka Hiiraan, iyadoo qaar kamid ah beelaha daga gobolkaasi ay ka biyo diideen dhismaha maamulkaasi.

Waxaa magaalada ku sugan  Maamu u sameynta gobolka qeyb ka ah Wafdi uu horkacayo wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya kuwaasi oo wada kulamo kala duwan inay la qaataan waxgaradka gobolka Hiiraan.

Sheikh Xuseen Cismaanm Cali oo kamid ah waxgaradka beesha Gaaljecel oo kasoo horjeeda maamul u sameynta Hiiraan ayaa sheegay in kulamo kala duwan ay  dhaceen,Balse wuxuu qeexay sababta khilaafka keentay.

Wuxuu sheegay in Maamu u sameynta Gobolkaas aysan u dhameyn Dhamaan qabaa’ilada dega gobolka sidaasi darteenda loo baahan yahay in iminka mamulka gobolkaas loo dhisayo inuu noqdaa mid ka yimaada rabitaanka shacabka ayna u siman yihiin dhamaan beelaha gobolkaas.

Gobolka Hiiraan, ayuu tilmaamay iny degaan Qabaa’ilo badan oo kal duwan, waxaana uu tilmamay inay waajib tahay in Maamulka gobolka laga hir galinayo uu ahaado mid ay dhaman u simanyihiin balse qolo gaar ah aan sadka badan midka ay xaqa u leedahay aan la siin sida uu sheegay.

Qorshaha ayaa ahaa in gobolkaas markii ugu hhoreysan laga hir galiyo maamul ku yimaada afti dad weyne hayeeshee waxaa iminka muuqaneysa in taasi laga hor yimid khilaafna uu ka jiro sameynta maamulka Gobolka Hiiraan.

Halkana hoose ka dhageyso Khilaafka Maamu u sameynta hiiraan

Sieh-cisman

Caasimada online

Xafiiska Baladweyne

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News