R/W Saacid” Qaranimada Somalia qatar ayay ku jirtaa hadii aan wax laga qaban

Muqdisho (Caasimada online) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa  sheegay  in xaalka dalka uu ayhay mid murugeysan, waxa uuna tilmaamay in hadii Soomaaliya ay sidan kusii jirto ay khatar galeyso Qarannimada dalka.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa arintan wuxuu Sabab uga dhigay Qabiilka iyo isku duubni la’aanta umada Soomaaliyeed Sida uu sheegay , waxaana uu shaaca ka qaaday inaan qaranimo la sugeyn inta qabiil uu jiro la iskuna Faquuqayo .

“Waxaanu mareynaa meel qaranimadeena ay qatar ku jirto waxaanu mareynaa meel hadii ay sii socota madaxnimada iyo karaamo badan ay lumayso”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sidoo kale ku booriyay Mas’uuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaalida inay dalka ugu turaan marxalada uu ku jiro, waxa uuna tilmaamay qofkii maanta samatabixiyo dalka ay taariikhda xusi doonto.

Xilliyada qaar Muqdisho waxaa ka dhac Falal Lid ku ah Amniga , waxaana jira eedeyno ku aadan in Hey’adaha amnigu ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dhanka amniga oo la sheegayo inaysan u gudan sidii loo baahnaa.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com