Hey’adaha amniga dalka oo amaro la dul dhigay iyo Kulan aan caadi aheyn

Muqdisho (Caasimada online) Ra’isul WasaarahaXukuumada Soomaaliya  ayaa kulan deg deg ahoo aan Caadi aheyn  isugu yeeray Taliska ciidamada dowlada Soomaaliya, Wasaarada Arimaha Gudaha iyo gaashaandhiga.

Kulanka oo ka dhacay aqalka Ra’isul wasaare Saacid , ayaa arimihii diirada lagu saaray wxaa ka mid ahaa Xaalka amniga ee Magaalada Caasimada ah ee Magaalada Muqdisho oo Mudooyinka aan caga badan ku taagneyn isla-markaana ay Falal amni xmo ka dhacayeen.

Saxaafada ayaa kulankan dibad joog aha kadib markii loo diiday Ka qeyb galka kulankaas waxaana Saacado badan kadib kulankaas kasoo baxay Qodobo dhowr ah oo la tilmaamay in wax looga badalo amniga magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya oo kadib kulankan saxaafada lahadlay ayaa sheegay in ciidamada loo sameyn doono kaarar aqoonsi oo dadka ay ku gartaan isla markaana la xaqiijin doono amaanka caasimada ah ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa Amray  amray in lasii wado barnaamijka daraseynta degmooyinka gobolka Banaadir kaasi oo uu sheegay in wax badan uu ka tari karo amaanka, iyo wada shaqeynta Shacabka iyo Hey’adaha amniga dalka .

Dhamaan Saraakiisha Hey’adaha Amniga dalka ayaa lagu amray inay la yimaadaan is badal muuqda oo ay wax kaga badalayaan sida ay iminka u shaqeeyaan si Amniga dalka uu u noqdo mid la xaqiijiyay oo xil la iska saaray balse aan howsha amniga la sahal san .

619 426

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com