Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah mulkiilaha hoteelka Elite oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uusan furayn hoteelkiisa illaa xukunka ka banneynayo hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Cabdullaahi Nuur ayaa sheegay in uu qaatay go’aanka inuu sii xirnaado hoteelkiisa, isagoo sabab uga dhigay in ciidanka dowladda ay si sharci darro ah u beegsadeen ganacsigiisa, keliya inuu ka aragti duwan yahay hoggaanka xukunka jooga.
“Waan ka xumahay, laakiin waan ku qasbanahay, waxaan qaatay go’aan ah inuu sii xirnaado, wuuna xirnaan doonaa. Sababaha uu u xirnaanayo waxaa kamid ah weligay kama dareemin goobtayda ganacsiga dhanka hay’adaha amniga iyo dowladda amni darro, marna ma fileyn dowladdii ayaa inta kusoo duusho goobtan ganacsiga ayaa dumin doonta,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Waxa uu intaas kusii daray: “Waxay kamid aheyd goobaha ay dhalinyarada Soomaaliyeed jecel yihiin inay tagaan. Dhalinyaro 150 ka badan ayaa ka shaqeynaysay oo mushaar ka qaadaneysay. Nasiib darro, dowladdii la rabay inay ganacsiga amnigiisa ilaaliyaan ayaa kusoo duushay, burburisay oo hantidii taallayna qaadatay.”
Wasiirkii hore ee amniga ayaa ku dooday in qof ganacsade ah oo Muqdisho degan uusan dowladda ka difaaci karin goob ganacsi, sidaas darteedna uusan diyaar u ahayn in uu sida cadowga ula dagaallamo dowladda si uu u ilaaliyo ganacsigiisa.
“Maadaama aan hubin in ganacsigayga ka amaan helayo dowladda, aniguna aan hadda diyaar u ahayn in dowladda sidii cadowga kale uga ilaalinayay ganacsiga uga ilaaliyo, waxaa ii fududaatay in Elite uu xirnaado, wuuna sii xirnaan doona illaa marxaladda dalka ka jirta isbedelayso, ama nidaamka dalka ka jirana isbeddelayo,” ayuu yiri.
Go’aankan mulkiilaha hoteelka Elite ayaa imanaya kadib markii booliska uu galabta hoteelka kusoo bandhigay hub fara badan oo isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus, ayna ka mid yihiin hub casri ah iyo agab kale oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).
Ciidanka booliska ayaa maalmihii dambe magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka waday howl-gallo hub ka dhigis ah oo lagu beegsanayo mucaaradka, kuwaas oo dhawaan dagaal culus la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Si kastaba, xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa kasii dareysa, iyadoo gaartay heer dowladda iyo mucaaradka ku dagaalamaan gudaha caasimadda, waxaana si dhow isha loogu hayaa waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay beesha caalamka ka dhex wado dhinacyada.

