Dhageyso: Jubba oo ka hadashay bah-dilkii ay kula kaceen Abaanduulaha

Kismaayo (Caasimada online) Maamulka Jubba ee ka arrimiya Magaalada Kiamaayo ayaa ka jawaabay sababta abaan duulaha ciidamada xooga dalka Generaal C/Risaaq Khliif Cilmi ay ugu diiddeen in gudaha Kismaayo uu usoo tilaabo .

Cabdi Barre , oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Jubba ayaa sheegay in Abaanduulaha ciidam,ada xooga dalka iyo mas’uuliyiintii ka socotay AMSIOM in ka hor socdaalkooda Kismaayo aan laga war qabin isla markaana aysan kusoo war galin maamulka magaalada .

Wuxuu sheegay in ujeedka Abaanduulaha inuu ahaa in magaalada uu dib ugu soo celiyo ciidamadii dhowaan laga saraay Kismaayo , isagoo sheegay in arintaas aan lagu war gelin maamulka Jubba.

Arinta dib usoo celinta ciidamada dowlada ee magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu aheyd mid qeyb ka ah heshiiskii Adis ababa balse qaabka iminka ay wax ku doonayaan iyo wixii lagu soo heshiiyay ay kala fog yihiin .

Wuxuu sheegay in lagu soo heshiiyay in si wada jira ah dowlada iyo maamulka Jubba in ciidamada Kismaayo laga Saaray si waan waan iyo nabad galyo ah in dib loogu soo celiyo magaalada maadaama Maamulka Jubba uu iminka aqoonsi ka hesyto dowlada Soomaaliya.

Abaanduulaha iyo saraakiil kale ayuu tilmaamay inay arintaas baalmareen ayna doonayaan in iyadoo aan maamulka jubba lasoo marsiin in Kismaayo lagu soo celiyo ciidamadii laga saaray taasi oo uu ku sheeegay mid aan la aqbli Karin

Genral  C/Risaaq Khliif Cilmi abanduulaha iidamada xooga dalka ayaa haatan dib ugu soo laabtay Muqdisho wali arintan dowladu kama aysan hadlin hayeeshee maamulka Jubb ee KMG ah ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya ay abuureyso iminka khilaaf dhexmaray dowlada iyo iyaga sida ay shaaciyeen

Halkaan ka dhageyso Cabdi Barre

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com