28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

DHAGEYSO: Madaxweyne sheeganaya Jubaland oo ka hadlay heshiiska

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada online) Axmed Faarax Ducaale oo ka mid ah ragii isku magacabay hogaanka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo , kuna dhawaqay inuu yahay madaxweynaha Maamulka Jubbland , ayaa dhaliilay go’aankii kasoo baxay Shirkii Adis-Ababa ee maamulka Jubba iyo dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid aan habooneyn isla-markaasina lagu fududaaday , isagoo sheegay in heshiiskaas uusan keeneyn Nabad iyo barwaaqo ka dhalata , balse uu horseedayo dhibaaato ka dhalata gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Goobta heshiiskaas lagu qabtay ayuu sheegay inay tahay sida uu shaaciyay halkii laga maleegay lagana abaabulay Bur Burka Soomaaaliya ,  wxaana dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay uu sheegay inay yihiin kuwo horseedaya dhibaato ka dhalata gobolda Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay inay haboonaan laheyd inay dowlada la sameyso dhamaan shacabka goboladaas inay la sameyso la tashi , balse ay iskaindho tirtay isagoo ku canaantay inay ku fududaatay go’aankaas ay qaadatay.

Halkan ka dhageyso

Halkaan ka dhageyso Axmed Faarax Ducaale

Kadib kulan muddo Isbuuc ah ka soconayay magaalada Adis – Ababa kaas oo u dhexeeyay dowlada Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ayaa shlay si rasmi ah la isugu raacay in Axmed Madoobe loo magacabo Hogaamiyaha Maamulka Jubba kaas oo talada Jubbooyina iyo gedo heyn doono ugu badnaan Muddo laba Sano ah.

Caasimada online

Xafiiska kismaayo

[email protected]

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News