Taliye ka tirsanaa nabad sugidda dalka Somalia oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada online) Kooxo Hubeysan ayaa degmada Kaxda ku dilay Khaliif  Maxamuud Cali Talihii ciidamada Nabad sugiida degmadaas, sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmadaas .

Kadib markii xalay ay kooxo hubeysan ay wadada u galeen Taliyihii Nabad Sugidda kadibna risaas ay is weydaar sadeen ilaalada taliyaha iyo waliba kooxihii weerarka ku qaaday , taasi oo sababtay ugu dambeyn in halkaasi uu geeriyoodo kadib risaas dhowr ah oo haleeshay .

Sidoo kale wuxuu dhaawac soo gaaray laba kamid ah ilaaladii taliyaha sida uu xaqiijiyay Cabdiwali Yuusuf Cumar, gudoomiyaha degmada Kaxda , isagoo sheegay nuusan ogeen Khasaaro intaasi ka badan , waxaana uu  sheegay in weerarkaas uusan ku tilmaami karin inay ka dambeysay cid gaar ah .

Cabdiwali Yuusuf Cumar gudoomiyaha degmada Kaxda ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan ragii dilkaasi ka dambeyay .Maanta ayaana lagu wada in lagu aaso magaalada Muqdisho,

Kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday halka ay dhibaatadaas ka geyteen ,  mana jirto ilaa iminka cid sheegatay dilkaas loo geystay Khaliif  Maxamuud Cali Talihii ciidamada Nabad sugiidadegmada Kaxda.

Shalay ayay aheyd markii uu ka bad baday isku day dil ah gudoomiye kuxigeenka degmda Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana dilkan uu qeyb ka noqonyaan dilal mudooyinkan kusoo kordhayay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com