Dhageyso: Mahdi Guuleed oo sharxay fasiraad qaldan oo laga bixiyey xukunkii ICJ

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa shalay ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyey Kenya, ayada oo loo xukumay dhul-badeedkii la isku hayey badankiisa, sida aygo’aamisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminayey wafdiga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Hague ee dalka Netherlands oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa guushaas ku tilmaamay mid 100% ah.

“Waxaa qabaa in uu ahaa xukun xaq ah, doodihii Soomaaliyana dhamaanteed ay maxkamadda xukuntay, geedi socod ayuu soo maray oo socday muddo toddobo sano ah mudadaas Soomaali waa soo halgantay oo waxaa galay dadaal badan oo naf iyo maal leh,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

“Maxkamadda cadaalada aduunka oo dunida dhan aqoonsan-tahay, waxay qirtay xuduuda badeed ee leedahay Soomaaliya iyo Kenya ay cadahay, waana aqlabiyada wixii lagu murmay oo badankeeda loo xukumay Soomaaliya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in maxkamdda ay la timid falsafo cusub oo sharci ah oo ka baxsan doodii Soomaaliya ee xariiqa, hase yeeshe ay aqbaliyada intii ugu badnaa ee lagu muransanaa ay ku guuleysatay Soomaaliya.

“Waxaa la inkiri karin in aragti cusub oo sunihii maxkamada ka duwan oo ku cusub ay keentay, anaga sidii awal hore aan qabnay oo haddana qabno xukunkaasi cadaalad ayuu ku dhacay, waxaana 100% ku guuleysatay Soomaaliya.”

Mahdi Guuleed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in loo kala qeybiyay labada dal intii lagu muransanaa, isagoona ku dooday in erey bixinta xukunkaas si kale loo fasirtay oo waxyar oo macno laheyn loo leexiyay Kenya.

Dhinaca kale, Xaakimka Soomaalida ah ee Maxkamadda Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa isagu maxkamadda ku diiday sida ay ujeexday xarriiqa cusub. Sidoo kale waxa uu diiday “sigib-tirka” ay samaysay maxkamaddu iyo weliba sida ay u jeexday xarriiqa kala qaybaha qaybta EEZ iyo qalfoof-qaaradeedka labadaba.

Xaakim Cabdulqawi waxa uu ku tilmaamay tallaabadaas maxkamaddu qaadday ka leexday nidaamii sharciga, islamarkaana dib u qaabayn garsoor ku samaysay juquraafiga.

Waxaa qoraalka Cabdulqawi Axmed Yusuf ka muuqday inuu aad uga soo horjeeday go’aamadaas oo ay u codeeyeen inta badan garsoorayaasha maxkamadda.

Hoos ka dhageyso wareysiga Mahdi Guuleed