Muqdisho (Caasimada Online) – Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye, Malaaq Cali Malaaq Showri, ayaa dowladda Somalia ku dhaliilay xariga Xasan Daahir Aweys, oo uu ku sheegay mid xaq darro ah oo ceebna ku ah Dowladda Federaalka.
Malaaq Cali oo kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle ee Abgaal oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in Xasan Daahir Aweys uu yahay ni si nabad ah isku soo dhiibay sidaa darteedna uu mudnaa ixtiraam.
“In Xasan Daahir Aweys uu xirnaado, islamarkaana Dowladda Somalia ay tuugto Axmed Madoobe, oo dowladda kasoo ceyriyey Kismaayo waxa ay ceeb ku tahay beelaha Hawiye” ayuu yiri Malaaqa.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay xaaladaha amniga Muqdisho, arrinta Kismaayo iyo cidda xaq u leh deegaan ahaan iyo arrimo kale.
“Dowladda waxa ay sheegeysaa caddaalad, laakiin aniga dhulkeyga Muqdisho ayey xoogtay, oo ay guddoomiye uga dhigtay Tarsan oo ka yimid Jawiil iyo Khalaafe, markaas ayey sheegeysaa caddaalad” ayuu yiri Malaaq Cali.
Halkan ka dhageyso shirka jaraa’id ee Malaaq Cali Malaaq Showri
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]