R/W Saacid oo ballan qaad sameeeyey

Muqdisho (Caasimada online) Ra’isul wasaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa maanta wuxuu kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah isagoona kala hadlay arimo ay ka mid yihiin Xuquuqul insaanka .

Ra’isul Wasaare Saacid, ayaa si gaar ah wuxuu uga hadlay tacadiya ay qeybta ka yihiin kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed, iyo dilalka loo geysto wariyaasha , isagoo sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay arimhasi oo dhan ay wax ka qaban doonaan .

Wuxuu sheegay in arimaha Xuquuqul insaanka ay xukuumada Soomaaliya u diyaarisay qorshe cad oo wax looga badalo sida ay iminka wax u socdaan , isagoo sheegay in xukuumada uu hogaanhka u yahay ay wado dadaalo looga hortagayo dhibaatooyinkaas.

Dhawaan Muqdisho waxaa Kufsi loogu geystay haweeney Soomaaliyeed taas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen ciidamada AMISOM iyadoona arintaas baaritaankeeda ay Xukuumada Guddi heer wasiir ah ay u xilsaartay inkastoo AMISOM ay Sicad ubeenisay arintaas.

Sidoo kale dhawaan Muqdisho Waxaa dil loogu geystay Allaha u naxariistee Axmed Shariif Xuseen oo ahaa Farsamo yaqaan ku xeel dheeraa Sameynta Idaacadaha ,mkaas oo kahowlgalayay warbaahinta qaranka Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Mauqdisho

Caasimada@live.com