DHAGEYSO: Mas’uul DFS ka tirsanaa oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Wadajir ayaa ka hadlay dil xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir loogu geystay gudoomiye ku xigeenkii Amniga iyo Siyaasada ee degmadaasi.

C/fataax Barre Guure, ayaa kooxo hubeysan waxay ku dileen meel aan ka dheereyn gurigiisa isaga iyo hal askari oo la socday, sida uu caasimada Online u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Axmed Cabdulle Afrax.

Dilkiisa waxaa ka dambeeyay kooxo hubeysan oo gaari ay wateen ku hor jaray gudoomiye ku xigeenka la dilay, kadibna rasaas ku furay gaarisa uu la socday gudoomiyaha la dilay.

Gudoomiyaha degmada Wadajir ayaa sheegay iney socdaan baaritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay dilka ku xigeenkiisa loo geystay, isaga oo sheegay iney jiraan tuhuno badan.

Xaafada Nasteexo oo kamid ah degmada Wadajir waxaa marar badan lagu dilay masuuliyiin maamulka degmada ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com