Dhageyso: “Silig halaga soo xirto Gen. Qeybdiid, Caalim, Indha-Cadde iyo GUULEED” Waxaa yiri..

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab, oo saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa jawaab kulul siiyay qaar kamid ah dadkii kasoo jorjeestay shirkii kusoo idlaaday magaalada Garoowe.

Qarjab, wuxuu sheegay in Cabdi Xasan Cawaale, Yuusuf Indhacadde, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Axmed Caalim la wada yaqaan halka ay kasoo jeedaan, ayna ka soo horjeedaan amniga Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Koofurta Soomaaliya waxay ka dagi la’dahay Baraxleey ilaa Muqdisho waaye, dadkaan kasoo horjeestay hishiiskii Garoowe dhamaantood waa la garanayaa halkey kasoo jeedaan, iyagana amniga Puntland ayay diidan yihiin”ayuu yiri Qarjab.

Qarjab ayaa dhaliilay hadalka kasoo yeeray Indhacade iyo Qeybdiid wuxuuna taageeray Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya heshiiskii ay ku gaareen magaalada Garowe heshiiskaasi oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Siyaasi Qarjab wuxuu aad usoo dhoweeyay heshiiska madaxdu ku gaareen Garowe isagoona shaaca ka qaaday in Maamulka loo dhisayo uusan khuseyn dhulka ay Puntland maamusho, wuxuuna shacabka Puntland ugu baaqay midnimo iyo wadajir iyo inaysan ka qeybgelin maamul lagu burburinayo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com