FAALLO: MAAN QABIIL & MALE DOWLADNIMO!

Anoo mar walba xurmo u haya dhaqankii suubana ee soomaalida hadana waxa igu adkaatay inaan is illow siiyo qaar xun oo kamid aha dhaqankaas walina aan huwanahay in aan ka aamuso. Dib hadaad u milcisato sooyaalka nololeed, ee dadka soomaliyeed waxaad mar walba ishaadu ay san dhayalsan Karin saamaynta qabyaaladu kulahayd nolashooda iyo siday u ahayd muraayad laysku fiirsho. qabiil walba waxa uu laha malaaq, garaad, ugaas,ama sulddaan laga haybaysto oo lagu soo xushay astaamo ay kamid ahaayeen rag iska dhicin, deeqsinimo, goob ka hadal ama qaab dhaxal ayu ku iman jiray. Oday beeleedkaas waxaa ka hoos shaqeeyn jiray nabadoono, issimo , ama guurti magacii larabo halloogu yeeree. Mid walba waxa uu uyahay madax jifo hoosaadyada reerka malahayga waaba dawladnimada casriga ah. Hadaad fiiriso dhaqankaa majirin ama saami wayn kuma lahayn ka fikirida mustaqbalka iyo yagleelida nolol dhaafsan aminta iyo xalinta dhibaatadii loo kale dhaxlay wiil iyo aabihiis.waxay ahayd nolol si walba u qallafsan. Dawada taas baddiilkeeda loo hayay waxay ahayd u laylyida dhalinta sidii ay nolashaas ula falgali lahaayeen. Reer habel dakana nooga maqan, aanadii iyo xurguftii dhex taal dadki la deegaanka aha aya la xafidinsiin jiray ayadoo lagu adkaynayo sidii aayaddii maahmaahyo ay kamid tahay “aano ma qurunto ”iyo hadalo kale.

Taas haday ahayd nolashayadii miyiga ee wadatay duruufaheedii qallafsanaa; ammaamudidii dawladnimada casriga ah ee soomalida waxa ay noqotay mid laga soo min guuriyay nolashii miyagga.tan iyo xorriyadii 60aadkii waxaa lagu jiray wax magac dawladnimo leh, maamulid qabiil leh oo ayna ka muuqan sidii looga gogol xaari laha wax waara oo layska dhaxlo fac ka fac .marka aad si wacan oo maskax furan kuqiimayso waxad arkaysa is shabaha madaxwaynah iyo odaygii qabiilka.waxaa loo doortay ama laga filaya waa jahayn, illaalin, yaglleelid iyo in uu umada u raro una ood rago nolol ka fiican nolasha ay markaas ku noolaayhiin . Laakiin mid kastoo ladoorto marka uu kursiga fuulo waxaad arkaysa wax walba oo ummadu filaysay in aysan waxba ka muuqan si ay kaga qaybgasho tartanka nolasha aadanaha. Waxay u sawirman kalluun biya kujira oo hadii bariga la keeno nolal ay suurtoobayn. La taliyayaan hayb qabiil uu kusoo xulasha {waxay lamid yihiin oodoyaal daqameed jifooyinka} wuxuuna si aan loo meel dayin ugu safa mansabyadii dawladda ee la raby in bulsho kala duwan loogu adeego dad ay isku hayb dhaw yhihiin.

Tan kaloo kasii yaabka badan waxa ay noqdaan qoyskii madaxwaynuhu kasoo jeeday una muuqdaan dad is bida haybad iyo ixtiraam gaara inay heleen taasna waxay ku salaysantahay tii dhaqanka oo qoyska odayga beesha madaxda u ah maamuus ayay mudnayeen. Midda kaloo ka sii yaabka badan waa sida dhaqankii dumaasha loo soo dhex galiyay dawladdii, tusaale fudud saddexda masuul ee ugu sareeya dawlada federalka ah ee soomaaliya waxa marwalba booskii banaanaada usharaxan ama loo doorta dad ay isku hayb yihiin kii katagay { shariif xasan = aadan madoobe = jawaari wa barlamaanka, sh shariif = xasan sheikh , madaxwaynayaash , gaas= saacid =cabdiwali sheikh = cumar cabdirashiid raysulwasaarayaal,} dhanka wasiirada wasiirka arimaha dibadda kasoo bilow ina Carte Qaalib, Oomaar , Fawsiyo Bayle iyo Hadliye waa tubtii . taasinaa Waa wax ka fog dhaqanka dowladnimada haboon iyo xilalku noqdaan sidii dumaashii oo markuu haweenayda ninkeedu dhinto walalkiis u dumaal usoo fariisan jiray .

Taas waa qayb yar oo kamid heerka maamul xumidda ee aan gaarnay. dhanka kale dhaqanka wax aka mid ahayd takoorid ama hoos udhigid qayb ka mid ah bulshada. Majiraan wax sabab ah oo lagu qanci karo oo takoorkaa loogu garaabo . waxa iyadana si toos ah loogu daray nidaamkii dawladnimada oo bulshada qayb ka mid ah aya la yiri 0.5 taasna waxay salka kuhaysa is takoorkii aan sababta lahayn ee qayb kamid ah bulshada lagu takoori jiray .waxa ceeb, barmadow inaan wixii xuma ee dhaqankeen kujiray aan ku darno dawladnimada casriga ah.is shabahaas waxaad arkaysa in badan.

Guntii iyo gabogabadii waxaan ku talinayaa in si maskax furan looga doodo sidii aan udhisan lahayn dawlad u cuntami karta dadyow xata diin,af iyo dhaqan ku kala duwan . mar walbana laga fogaado is dhex galinta madaxda qaranka iyo midda qabiilka oo loo jeesto isku garaabid iyo sidii dib loo dhayi laha boogihii ay dhalinyeen maamuladii qaabka darnaa ee nasoo maray lagana baxo maan qabiil loona baxo maamul dawladnimo.

Cabdirashiid Maxamed Cali shaadhe

Shaadhe22@gmail.com