31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Culimadii garabka DF oo lagu arkay shirka mucaaradka iyo xubno kale oo ku biiray

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka magaalada Muqdisho uga socda siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta lagu arkay qaar kamid ah culimadii garabka dowladda ee taageerada u muujin jiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Muuqaallo laga soo tabiyay guriga madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed oo ah goobta uu ka socdo shirka mucaaradka ayaa waxaa la arkayay culimada oo halkaasi ku sugan.

Culimadan ayaa waxaa horkacayay Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha culimada Soomaaliyeed, lamana oga ujeedka culimadan ay shirka mucaaradka u tageen.

Warbaahinta ku sugan gudaha guriga Shariif oo isku dayday inay Sheekh Bashiir wax ka weydiiyso ayaa wuxuu gebi ahaanba ka gaabsaday inuu hadlo, isagoo iska leexiyay makarafoonka warbaahinta.

Warar soo baxaya oo weli la xaqiijin ayaa sheegaya in culimada ay halkaas u tageen kadib dalab ka yimid mucaaradka, si loo balaadhiyo wadatashiyada socda, oo kusoo aadaya xilli uu dalka ku jiro marxalad xasaasi ah.

Dhinaca kale, siyaasiyiin hor leh ayaa kusoo biiray shirka mucaaradka ee ka socda guriga madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Muqdisho ay sii xoogeysanayaan.

Mustaf Dhuxulow oo dhowaan laga qaaday xilkii Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur oo kmaid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha HirShabelle ayaa isna saaka gaaray hoyga Sheekh Shariif.

Labadan siyaasi ayaa kulan albaabada u xiran la yeeshay Sheekh Shariif, waxaana kulankaasi ku wehlinayay Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in ay suuragal tahay in siyaasiyiintan ay si rasmi ah uga qeyb-galaan maalinta xiritaanka madasha, taas oo loo qorsheeyay maalinta Jimcaha.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sii xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee wadaan, iyagoo sidoo kale shalay kulan xasaasi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay badbaado qaran oo qeyb ka noqonayso bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ka warbixiyay kulanka u dhexeeyay mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa sheegay in odayaasha lala wadaagay xaaladda adag ee dalka iyo marxaladda kala-guurka ah ee lagu jiro.

Sidoo kale, waxa uu xusay in dhinacyadu isla qaateen in wixii hadda ka dambeeya uu dalku u baahan yahay badbaado qaran oo ay ka qayb qaadato dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa shacabka ugu baaqay inay qaataan kaalintooda, isla markaana ay qayb ka noqdaan badbaadada dalka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya wajahayso xaalad hubanti la’aan ah, taas oo ka dhalatay ismari-waaga hanaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurkii 2012-kii.

- Advertisement -

Read more

Local News