29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Iiraan oo war culus ka soo saartay safiirka ay Israa’iil u magacowday Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) — Dowladda Iiraan ayaa a si kulul u cambaaraysay go’aanka ay Israa’iil ergey diblomaasiyadeed ugu magacawday maamulka Somaliland, iyadoo tallaabadan ku sifeysay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmaeil Baghaei ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil ay ergeyga ugu dirtay Somaliland, uu muujinayo isku-day joogto ah oo lagu carqaladaynayo xasilloonida dalalka Islaamka, loogana abuurayo gobolka kala-qaybsanaan xooggan.

“Tallaabadan aan loo meel dayin waa xadgudub qaawan oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka caalamiga ah. Waa weerar toos ah oo lagu qaaday madax-bannaanida, xornimada iyo wadajirka dhuleed ee dowlad madax-bannaan,” ayuu yiri Baghaei, oo u warramayay warbaahinta ku xiran dowladda Iiraan.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Midowga Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka inay ka hortagaan dhul-ballaarsiga Israa’iil iyo faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka madax-bannaan.

Cambaaraynta Iiraan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan falcelinta diblomaasiyadeed ee ka dhalatay tallaabadii ay Israa’iil 15-kii bishan Abriil ugu magacawday diblomaasiga Michael Lotem inuu noqdo ergeygeedii ugu horreeyay ee Somaliland balse aan halkaas fadhiisan doonin (non-resident envoy). Tani ayaa timid bilo un kaddib markii Tel Aviv ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu aqoonsada deegaankaas dowlad madax-bannaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa markiiba diiday go’aankaas, iyadoo caddaysay in isku-day kasta oo Somaliland loola dhaqmo sidii dowlad madax-bannaan uu jabinyao sharciga caalamiga ah, isla markaana uu wiiqayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa isna cambaareeyay go’aanka Israa’iil, isagoo dib u xaqiijiyay in uusan Somaliland u aqoonsanayn dowlad madax-bannaan, wuxuuna ka digay in tallaabooyinka hal dhinac ah ee noocan oo kale ah ay halis weyn gelinayaan xasilloonida Geeska Afrika.

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa soo saaray dhaleeceyn taas la mid ah, halka bayaan wadajir ah oo ay soo saareen 16 dal oo Carbeed iyo kuwa Islaam ah, oo ay ku jiraan Soomaaliya, Masar, Sacuudi Carabiya, Turkiga, Pakistan iyo Urdun, ay tallaabada Israa’iil ku sifeeyeen xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa isku beddeshay mid ka mid ah xasaradaha diblomaasiyadeed ee ugu xasaasisan Geeska Afrika sanadkan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay waddo olole ay isugu keenayso waddamada Carabta, Afrika iyo kuwa Muslimiinta u badan yihiin si ay u garab istaagaan mowqifkeeda ah in maqaamka Somaliland aan lagu go’aamin karin aqoonsi shisheeye ama gacan-togaaleysi dibadda ah.

Dhaq-dhaqaaqa dambe ee Israa’iil ayaa daba socda aqoonsigeedii rasmiga ahaa ee ay siisay Somaliland bishii Diseembar 2025, tallaabo ay si degdeg ah ay u cambaareeyeen xukuumadda Muqdisho iyo dhowr dowladood oo gobolka ah.

Khilaafkan diblomaasiyadeed ayaa sii xumaaday bishii Janaayo markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, uu booqasho ku tagay Hargeysa, uuna la kulmay Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, arrintaas oo ay Soomaaliya xilligaas ku tilmaantay xadgudub sharci-darro ah iyo daan-daansi ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Dowladda Iiraan ayaa inta badan dhaq-haqaaqyada Israa’iil ee Somaliland u aragta qayb ka mid ah qorshe ballaaran oo salka ku haya faragelin goboleed.

Xukuumadda Tehran ayaa horay u cambaaraysay aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland bishii Diseembar, waxayna sidoo kale si weyn u dhaliishay booqashadii uu wasiir Saar ku tagay Hargeysa bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

- Advertisement -

Read more

Local News