Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya wararka laga helayo dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kuwaas oo muujinaya dayac baahsan oo saameyn ku yeeshay howlaha ganacsi ee dekeddaasi.
Wararka ayaa sheegaya in marinka laga soo galo dekedda uu si weyn uga buuxsamay ciid, taas oo caqabad ku noqotay dhaq-dhaqaaqa maraakiibta iyo gaadiidka u kala goosha dekedda.
Saameynta arrintan ayaa si toos ah u gaartay gaadiidka u socda dekedda, iyadoo qaar ka mid ah ay ku xayirmeen, taas oo hakad gelisay shaqooyinkii dekedda.
Shalay, doon lagu magacaabo Baarakalah ayaa la kulantay caqabad culus kadib markii ay ku dhegtay ciidda buuxisay marinka dekedda xilli ay isku dayaysay inay soo xirato.
Arrintan ayaa keentay in loo adeegsado doon kale oo ka caawisa in laga dejiyo rarka ay waday, si loo yareeyo culayska una suurageliso in dib loo dhaqaajiyo.
Doontan oo ka timid dalka Cumaan ayaa sida la sheegay u waday badeecooyin kala duwan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa heerka saameynta uu dayacu ku yeeshay ganacsiga.
Sanadihii ugu dambeeyay ayaa si joogto ah looga soo warinayay in dekedda Boosaaso ay la daalaa dhacayso caqabado kala duwan iyo dayactir la’aan baahsan, hase yeeshee ma muuqan tallaabo wax ku ool ah oo lagu xallinayo dhibaatada.
Dekedda Boosaaso oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan Puntland ayaa muddo ka badan 10 sano waxaa maamulayay shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta, taas oo lagu dhaliilayo inay ka gaabisay horumarinta adeegyada dekedda.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan mas’uuliyadda shirkadda iyo doorka maamulka ee ilaalinta iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka ah ee dhaqaalaha.

