28.1 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Falanqeeyeyaasha Israa’iil: Turkey ama Pakistan mid ayaa noqon doono dalka xiga ee…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Falanqeeye arrimaha siyaasadda oo Israa’iili ah ayaa soo jeediyay in dalalka Turkiga ama Bakistaan uu midkood la wareegi doono booska Iiraan, kaas oo ah inuu noqdo cadowga koowaad ee ugu weyn ee Israa’iil ay ku leedahay gobolka.

Maqaal ra’yi ah oo uu ku daabacay wargeyska maalinlaha ah ee Maariv, ayuu falanqeeye Boaz Golani ku lafaguray isbeddellada xawliga ah ee ku dhacaya siyaasadda Bariga Dhexe, xilli ay weli socdaan wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka lagu qaaday Iiraan. Golani ayaa qoray in xukuumadda Tehran “lagu qasbi doono inay banneyso booska cadowga weyn ee Israa’iil,” isagoo xusay in waddan cusub loo baahan doono inuu doorkaas la wareego.

“Intii uu xukunka hayay Cali Khameenei, Iiraan waxay muddo soddon sano ah bixisay dadaal weyn si ay si daacad ah uga soo baxdo kaalintaas,” ayaa lagu yiri maqaalka, iyadoo falanqeeyuhu uu ku doodayo in dagaalka ugu dambeeyay ee lagu qaaday Iiraan—oo uu wehliyo burburka dhaqaale ee dalkaas—uu gabi ahaanba tirtiray awoodihii milateri ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, sida uu qabo.

Wargeyska Maariv ayaa soo bandhigay in Turkiga ama Pakistan uu midkood la wareegi doono jagada Iiraan. Sida uu qoray Golani, “Waxaa u muuqataa in loollanku uu salka dhigtay Turkiga iyo Pakistan u dhexeeya.”

Wuxuu ku sifeeyay labadan dal inay yihiin waddamo waaweyn (oo Turkigu leeyahay 85 milyan oo qof, halka Pakistan ay leedahay 240 milyan), labaduba waxay leeyihiin aqlabiyad Sunni ah oo adag, maamullo awoodda isku koobay oo ku tiirsan garabka milateriga, ciidamo aad u ballaaran, iyo si la yaab leh, inay labaduba xiriir wanaagsan la leeyihiin dowladda Mareykanka oo ah xulafada koowaad ee Israa’iil.

Dhanka kale, xiisadda u dhexaysa Israa’iil iyo Turkiga ayaa cirka isku shareertay toddobaadkii la soo dhaafay, kadib markii madaxda labada dhinac ay is-weydaarsadeen eedeymo kulul, xilli uu sii fidayo khilaaf juquraafi-siyaasadeed oo salka ku haya xasuuqa ka socda Gaza iyo loollanka awoodeed ee dalka Suuriya.

Qoraal uu soo dhigay barta xiriirka bulshada ee X, ayuu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku eedeeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu “xasuuqayo muwaadiniintiisa Kurdiyiinta ah” isla markaana uu “gabaad siinayo nidaamka argagixisada Iiraan iyo wakiilladiisa.”

Bilihii la soo dhaafay, Netanyahu ayaa si weyn ugu weeciyay dhaleeceyntiisa dhanka Turkiga, iyadoo xukuumadda Tel Aviv ay xiriir dhow la yeelatay Giriigga iyo Jamhuuriyadda Qubrus.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa farta ku fiiqay arrin is-burinaysa, taas oo ah in maraakiibta si qarsoodi ah u shaqeysa ee laga leeyahay Giriigga (shadow ships) ay weli sii maraan dekedda Ceyhan ee Turkiga, iyagoo shidaal iyo shixnado milateri u daabulaya Israa’iil. Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in loollankan cusub uu xuddun u noqon doono dalka Suuriya, halkaas oo danaha iska soo horjeeda ay muddo dheer ka dhex aloosnaayeen.

Dhanka Pakistan, oo iskeed isugu muujisay inay tahay xudunta dhexdhexaadinta colaadaha caalamiga ah xilligan lagu jiro dagaalka Iiraan, ayaa waxaa muddo dheer jiray saraakiil dowladeed oo si cad u dhaliila Israa’iil.

Toddobaadkii hore, Wasiirka Difaaca Pakistan Khawaja Asif ayaa qoraal uu soo dhigay barta X, balse markii dambe uu tirtiray, wuxuu Israa’iil ku sifeeyay “shar” iyo “habaar ku dhacay aadanaha.” Hadalkan ayaa soo baxay saacado un kahor inta aysan wafdiyo ka kala socda Mareykanka iyo Iiraan soo gaarin caasimadda Islamabad si ay u yeeshaan wada-hadallo nabadeed oo ay garwadeen ka tahay Pakistan.

Maqaalkiisa, ayuu Golani ku soo gebagebeeyay digniin adag oo uu u dirayo xukuumadda Tel Aviv, isagoo yiri: “Israa’iil waa inay isu diyaaarisaa xaalad ay mid ka mid ah labadan dal si toos ah uga hor timaado, isla marka uu yaraado dagaalka ka dhanka ah Iiraan.”

Wuxuu raaciyay, “Kala doorashada labadan dal gacanteena kuma jirto, labada ikhtiyaarna waa kuwo si isku mid ah u xun. Awoodda ugu weyn ee aan haysano si aan ula tacaalno waa xiriirka aan la leenahay Mareykanka, kaas oo ay tahay inaan ku ilaalino awooddeena oo dhan.”

- Advertisement -

Read more

Local News