Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay xarunta horumarinta manaahijta oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda dhagax dhigga ka sheegay in horumarinta waxbarashadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan.
Xamza ayaa sidoo kale xusay in xukuumadda Dan-Qaran ay mudnaan gaar ah siinayso casriyeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada, taas oo muhiimad weyn u leh mustaqbalka Soomaaliya.
“Manhaj tayo leh waa saldhigga waxbarashada, Xaruntani waxa ay noqon doontaa goob muhiim u ah horumarinta aqoonta jiilasha soo koraya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Mashruucan cusub ee loo dhisayo dhaqaalaha dowladda ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda Soomaaliya ay ku xoojinayso adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada, si loo dhiso bulsho aqoon leh oo la jaanqaadi karta isbeddellada casriga ah.
Mudane Xamza ayaa tilmaamay in xaruntani ay isku xiri doonta waxbarashada iyo ardayga iyada oo ujeedku yahay u adeegidda mustabalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib-u-dhisi doonto dhulkii hey’addaha dowladda taasi oo shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay banneeyaan guud ahaan xarumaha dowladda maadama ay u baahantahay in danta guud loogu shaqeeyo.












