28.1 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Shirkadda maraakiibta ee Maersk oo joojisay howlaheedii dekedda Berbera + Sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Berbera (Caasimada Online) — Shirkadda weyn ee qaabilsan daabulidda xamuulka badda ee Maersk ayaa Isniinta sheegtay inay si ku-meel gaar ah u hakisay aqbalaadda shixnadaha cusub ee ku socda ama ka imanaya dekedda Berbera ee maamulka Somaliland ee waqooyi bari Soomaaliya.

Ogeysiis ay shirkaddan laga leeyahay dalka Denmark u dirtay macaamiisheeda, ayay ku sheegtay in hakintani ay durba dhaqan gashay, isla markaana ay tahay mid ku-meel gaar ah. “Waxaan idinla socodsiinaynaa in, laga billaabo hadda, isbeddello ku yimid jadwalka shaqada awgood, ay shirkadda Maersk si ku-meel gaar ah u hakin doonto aqbalaadda shixnadaha cusub ee taga ama ka yimaada dekedda Berbera,” ayaa lagu yiri bayaanka shirkadda.

Maersk ma aysan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan waxa iska beddelay jadwalkeeda, arrintaas oo macaamiisha iyo ganacsatada ku reebtay su’aalo ku aaddan sababta dhabta ah ee ka dambeysa go’aankan.

Si kastaba ha ahaatee, hakintan lama filaanka ah ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro isbedbeddel xooggan oo ku aaddan isku-socodka maraakiibta gobolka, iyadoo shirkadaha isaga goosha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay la tacaalayaan carqalado joogto ah iyo isbeddello xawli ah oo ku yimaada jadwalladooda.

Burburkan ku yimid nidaamka gaadiidka badda ayaa sii xoogeystay tan iyo markii uu dagaalka Iiraan qarxay 28-kii Febraayo, taas oo qalqal gelisay marinnada badda ee Bariga Dhexe, isla markaana dhalisay cabsi horleh oo ku aaddan amniga marin-biyoodyada muhiimka ah.

Khataraha ka imaanaya kooxda Xuutiyiinta ee Iiraan ay taageerto, kuwaas oo ka dhaqdhaqaaqa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa sii kordhiyay culeysyadaas, inkastoo Maersk aysan go’aankeeda Berbera si toos ah ugu xirin arrimahaas.

In kasta oo ay hakisay ganacsiyada cusub, shirkaddu waxay xaqiijisay in shixnadaha hadda waddada ku jira aanay arrintani saameyn doonin. “Iyadoo Maersk ay si kumeel gaar ah u hakin doonto safarradeedii Berbera, waxaan xaqiijin doonnaa in shixnad kasta oo hadda soo socota la gaarsiin doono halkii loogu talagalay sidii qorshuhu ahaa,” ayay raacisay shirkaddu.

Sidoo kale, Maersk ayaa qiratay in hakintan ay si gaar ah u saameyn doonto dalka aan badda lahayn ee Itoobiya, oo qeybo ahaan ku tiirsan. Sanadihii la soo dhaafay, dekeddan ayaa soo jiidatay maalgashi ballaaran oo lagu ballaarinayo awoodda xamuulka iyo xoojinta waddooyinka ku xira Itoobiya.

Xitaa iyadoo dariiqii Berbera uu xaniban yahay, Maersk waxay macaamiisheeda u sheegtay in dekedaha kale ee gobolka ay weli yihiin kuwo furan oo shaqeynaya. “Adeegyadeenii joogtada ahaa ee Jabuuti, Muqdisho iyo Mombasa ayaa weli diyaar ah si ay u taageeraan baahiyahaaga daabulidda, ayna u xaqiijiyaan isku-xirnaanta gobolka oo dhan,” ayaa lagu yiri ogeysiiska. 

- Advertisement -

Read more

Local News