Daawo farriintii uu JOHN KERRY ee Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry, oo maanta booqasho rasmi ah ku tagey Magaalada Muqdisho e Xarunta Somaliya, ayaa fariin u diray shacabka Somaliyeed.

John Kerry oo muuqaal soo duubay, ayaa ku sheegay in maanta uu booqasho ku tagey Somaliya, isagoo noqonaaya masuulkii ugu sareeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo booqasho ku tagey.

Wuxuu sheegay in uu la kulmay Madaxda Dowladda Somaliya iyo hogaamiye-yaasha ururada bulshada rayidka, ka dib markii uu ka degay Magaalada Muqdisho.

Isagoo baaq u diraaya shacabka Somaliyeed, ayuu sheegay in muddo 20 sano ka badan ay Dowladda Mareykanka dib kaga baxday Somaliya, iminkana ay soo laabatay iyadoo Beesha Caalamka kaashaneyso, isla-markaana ay horumar u rajeynayan.