Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo weli isku dayaya in uu ka dabaasho ceebta ka raacday dagaalka Iiraan oo la rumeysan inay Israa’iil ku riixday ayaa sheegay in Tel Aviv aysan waligeed kala hadlin dagaalka Tehran.
Trump ayaa soo saaray qoraal cusub oo si kulul ugu weerarayo warbaahinta, kaasi oo uu ku yiri: “Israa’iil waligeed igalama hadlin dagaalka Iran”.
Waxa uu sidoo kale ku adkeystay in mowqifkiisa ku aaddan Iiran uu yahay mid muddo dheer soo jiray, isagoo tilmaamay in weerarradii 7-dii October 2023 ee Xamaas ay si weyn u xoojiyeen aragtidiisa ku saabsan in Iiran aysan waligeed yeelan karin hub nukliyeer ah.
Trump ayaa hadalladiisa u muuqday kuwo jawaab u ah hadal-hayn xooggan oo ka taagneyd gudaha Mareykanka, taas oo ah in Israa’iil ay si uun isaga ugu taraarixisay in uu dagaal ku qaado Iiraan.
Warbixin uu daabacay New York Times ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah la-taliyayaasha Trump oo ay ku jiraan saraakiil sare oo milatari, aysan ku qancin saadaasha Israa’iil ee uu soo bandhigay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ka hor hawl-gallada la xiriira Iiraan.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in doodaha gudaha Aqalka Cad ay ahaayeen kuwo adag, iyadoo ay jireen cabashooyin ku saabsan sida Israa’iil u soo bandhigtay qiimeynteeda istiraatiijiyadeed.
Sidoo kale, Joe Kent oo horey u ahaa madaxa Xarunta La-dagaallanka Argagaxisada ayaa sheegay inuu iska casilay xilkiisa, kadib markii uu rumeysan waayay in Israa’iil ay adeegsatay farsamooyin lagu saameynayo go’aamada Mareykanka.
Kent ayaa ku dooday in qaar ka mid ah tallaabooyinka militari ee la qaaday ay salka ku hayeen cadaadis dibadeed oo lagu qancinayay maamulka Mareykanka inay taageeraan weerarro ka dhan ah Iiraan.
Dhanka kale, Trump iyo saraakiisha Aqalka Cad ayaa si joogto ah u beeniyay eedeymahaas, iyagoo ku adkeysanaya in dhammaan go’aannada Mareykanka ay ahaayeen kuwo madax-bannaan oo lagu saleeyay amniga qaranka.
Si kastaba, Trump ayaa qoraalkiisa ku weeraray warbaahinta, isagoo ku tilmaamay “been abuur iyo sheekooyin la sameeyay”, wuxuuna carabka ku adkeeyay in natiijo kasta oo ka dhalata siyaasadda Mareykanka ee Iiraan ay noqon doonto “mid cajiib ah,” sida uu tilmaamay.

