Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa sii kordhaya dooda iyo is qab qabsiga kusaabsan kuraasta la isku heysto ee Baarlamaanka Somalia xili dhowaan ay Maxkamadda sare iyo Baarlamaanku isku qilaafeen 8 kursi oo lagu muransan yahay.
Warar hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in arintu ay hadda lugta la gashay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdi-wali Sheekh Muudey kaaas oo uu cabasho ka gudbiyay Barre Cusmaan Xuseen oo ah ninkii kula loolamayay kursigii beesha reer Aw-Xasan.
Barre Cusmaan Xuseen ayaa beeniyey in uu la tartamay Cabdi-wali Sheekh Muudey isagoo sheegay Barre in uusan ku sugneen goobta ay doorashada ka dhacday, waxaana uu xusey in musuqmaasuq xoogan uu dhacay maalinkaas.
Wuxuu ku dooday in ergadii goobta tagtay xiligaas ee lagu sheegay iney ahaayeen beesha Reer Aw-xasan ineysan waxba ka jirin, Ergadii saxda aheyd oo ku sugan Muqdisho ayuu sheegay in dad kale oo been abuur ah ay doorteen Cabdiwali Muudeey.
Xaaladda is qab qabsiga kuraasta Baarlamaanka Somalia, ayaa mareysa meel xasaasi ah iyadoo arintaan cusub ee gudoonka ay dhaawaceyso hanaanka iyo kalsoonida maamulka baarlamaanka.
Bare Cismaan ayaa ku baaqay in arintan baaritaan lagu sameeyo isagoo wareysi uu xili hore bixiyay ku sheegay in gudigii doorashadda K/Galbeed ay wax musuq maasuqeen .
Hoos ka dhageyso wareysi uu bixiyay xili hore
Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

