28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Dhageyso: Odayaasha shirka Dhuusomareb oo 2 u kala jabay & qaar usoo jabay dhanka Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Nabadoon Yuusuf Warsame Ducaale oo ka mid ah waxgaradkii la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Goobjoog Fm in Odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Dhuusamareeb ay ku kala aragti duwan yihiin halka lagu qabanayo shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in waxgaradka qaar ay doonayaan in shirka lagu qabto degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud, halka kuwo kale ay rabaan in shirka lagu qabto degmada Dhuusamareeb waa sida uu hadalka u dhigaye.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in tani ay keeni karto kala fogaansho Odayaasha dhexdooda ah iyo sidoo kale in khilaaf uu hadda iyo Kow bilawdo.

Dhinaca kale Nabadoon Yuusuf Warsame ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda Federaalka uu u sheegay Odayaasha dhaqanka in muddo Seddax maalin ka dib uu ku laaban doono degmada Dhuusamareeb inkastoo aanu sheegin uljeedka mar kale uu madaxweynaha halkaasi u tagayo

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Seddax Maalin ku sugnaa degmada Dhuusamareeb waxaana halkaasi uu kula kulmay Odayaal dhaqameed, iyadoo weli aan wax go’aan ah laga gaarin halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News