XOG: Muungaab oo jaray dhaqaale uu bil walba ku laaluushi jiray laba Idaacadood oo gaar ah !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, ayaa jaray dhaqaale uu ku laaluushi jiray Laba Idaacadood oo ku taala Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa bil waliba Idaacadaha ugu afka dheer Magaalada Muqdisho ee kala ah Shabelle iyo Kulmiye siin jiray min 10 fuusto oo shidaal, taasi oo bilaabatay tan iyo markii lamagacaabay Mungaab.

Waxaa sidoo kale jira dhaqaale gaar ah uu bil waliba u qoondeyn jiray labadaasi idaacad oo iyana iminka laga hakiyay kadib markii uu xumaaday calaaqaadkii ka dhexeeyay Mungaab iyo Labadaasi Idaacad.

Idaacadahaasi oo looga bartay inay amaanaan waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa hada u muuqda kuwa aan helin maslaxadii kala dhexeysay Mungaab, waxa ayna bilaaben inay hawada kasii daayan warar ka duwan kuwii looga bartay.

Mungaab ayaa tan iyo markii laga baahiyay in xilka laga qaadayo, ayaa waxa uu si KMG ah usii jaray dhaqaalihii uu ku bixin jiray dhowr meel oo aan lagala socon Xarumaha DF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com