27.9 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Dhageyso: Puntland iyo Galmudug oo gaaray go’aan cusub oo Gaalkacyo ku saabsan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa si isku mid ah waxa ay isugu raaceen in ay isu furayaan Wadooyinka kala xiran ee Magaalada Gaalkacyo taas oo socotay wax ka badan 25 Sano.

Yaasiin Axmed Tumey iyo Xirsi Yuusuf Bare oo ah Guddoomiyeyaasha labada dhinac ee Puntland Galmudug ayaa si wadajir ah u sheegay in midba dhinaciisa uu xiyaarada kaga qaadayo, wadooyinka Gaalkacyo ee xiran, si ay u bilowdeen mar kale isu socodka Gaadiidka.

Sidoo kale Labada Masuul ayaa sheegay arrintan xirnaanshaha wasdooyinka sababteeda in aysna laheyn shacabka, balse ay tahay siyaasad ay kala hoggaaminayaan Mas’uuliyiinta Labada Maamul.

Waxaa ay Labada Guddoomiye ku sheegeen in ay isu furayaan Wadooyinka kala xiran ee Gaalkacyo iyada oo dadka wada dega aysan ahayn dad kala duwan sidaas darteedna loo baahan yahay in la furo Wadooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News