Imaaraadka Carabta oo la wareegtay Dekadda Boosaaso & DFS oo aan wali ka hadal

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka ay la wareegtay dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib heshiis dhexmaray Puntland iyo Imaaraadka.

Gudoomiyaha rugta ganacsigaiyo warshadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac oo u waramaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Imaaraadka ay si rasmi ah ula wareegtay Dekadda magaalada Boosaaso.

Isagoo ka hadlaayay wareejinta ayuu yiri ”Wey jirtaa in lagu wareejiyay waxaana wareejintaasi keenay duruufta ka jirta Dekadda magaalada Boosaaso”

”Dekaddu si fiican uma qalabeysna xitaa Maraakiibtu waxa ay ku dhiban tahay xirashadooda, waxaa lagu sameynayaa dib u habeyn sida uu yahay heshiiska ay labada dhinac wada gaareen”

”Arinku waxa uu marayaa in wixii aad adiga qabsan kartid aad qabsato, wixii aad qaban karinna la raadsato cid kula qabata, si horumarka iyo ganacsiga u sii jiro, si hor-u-marka u xoogeysto”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Puntland waxaa ay ku taallaa meel istaraatiiji ah, waxaa ay ku taalla marinta ay maraan gaadiidka badda ugu badan adduunka, dhinac waa badweyta Hindiya dhanka kalana Badda Cas, Marka waa marinka adduunka meesha uu maro”.

Waxa uu sheegay in Dowlada Imaaraadka ay kaga dhawdahay Dowladaha kale waxa uuna sheegay in Heshiiska uu yahay mid dhawaan dhaqan gali doona, maadaama uu dhacay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada Imaaraadka ay ka filayaan wanaag waxa uuna carab dhabay in mar waliba ay ka taageerto tababarta ciidanka badda, wax qarsoonna ma aha, ayuu yiri.

Dhinaca kale waxa uu sheegay inaanu jirin Heshiis ku aadan in Imaaraadka uu Saldhig Militery ka sameysto deegaanada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com