Imaaraadka oo Tallaabo sii xumeyn karto xiriirka Farmaajo ka sameysay Puntland

Boosaaso (Caasimada Online)-  Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Maamulka Puntland Maxamed Caydiid Jaamac oo la hadlay idaacadda goob joog ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey inay dwoladda Imaaraadka si rasmi ah ula wareegtay Dakadda weyn ee ku taal magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii la rabo in runta laga hadlo ay tahay in Imaaraadka ay la wareegtay Dakadda Boosaaso: “ waxay doonayaan inay ballaariyaan, markii hore dekadda ma aheyn mid caalami ah oo ay konteennarada iyo alaabaha waaweyn ee yimaada ama Maraakiibta waaweyn ay ku soo xirato” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Wuxuu hadalka intaas kusii daray inay Puntlanf lagama maarmaan ku noqotay inay heshiis la gasho Imaaraadka oo u ballan qaaday inay si heer sare ah u dhisi doonaan dakadda wuxuuna yiri: “ Mar haddii dhallinyaradii Puntland ay ku dhamaanayaan badaha maxaa diidayo in wax soo saar fiican looga sameeyo Dakadda Boosaaso, haddii dalka kaabayaashiisa la dhiso oo xoog yeeshaan, kumaamun dhallinyaro ayaa shaqo ka heli doonto”.

Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyey ahmiyadda ay u leedahay Puntland iyo Soomaaliya dakadda Boosaaso wuxuu ku jawaabay  “Puntland waxaa ay ku taallaa meel istaraatiiji ah, waxaa ay ku taalla marinta ay maraan gaadiidka badda  ugu badan adduunka, waa geeska ugu kooneeya, dhinac waa badweyta Hindiya dhanka kalana Badda Cas, Marka waa marinka adduunka meesha uu maro”.

Dhinaca kale mar wax laga waydiiyey Caydiid sababta ay Imaaraadka u daneeneyso dakaddaan ayuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo isagoo  yiri  “Waxaa ay tahay meesha ugu dhaw wadamada Khaliijka sida Imaaraadka, Cummmaan Yemen iyo waddamo kale, fursadaha ganacsi ee ka jira awood ay leeyihiin, waxaa ay Puntland leedahay xoolo nool, Kalluun faro badan iyo xabkada oo dhaqaalo badan ka soo galo.”

SIdoo kale wuxuu inkiray inay Imaaraadka doonayaan inay halkaas saldhig ka sameystaan wuxuuna sheegay inaysan arrintaas jirin.

Waxaa dhawaan soo baxay warar sheegayo inay Imaaraadka ay dooneyso inay Boosaaso ka  sameysato saldhig Military oo la mid ah midka la filayo inay dhawaan ka sameysto Berbera.

Heshiisyada ay imaaradka la galeyso Maamul Goboleedyada dalka iyadoo aysan dowladda dhexe ka war qaban ayaa muujinayo sida uusan u fiicneyn xiriirka labada dowladood waxaana dhawaan la filayaa inuu madaxweyne Farmaajo si rasmi ah uga hadlo arrinta ay imaaraadka ka wado gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso 
Caasimada@live.com