Dhageyso: Puntland oo ku dhowaaqday in Visa lagu soo geli doono ‘dalkeeda’

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in aysan ogolaan doonin in cid dambe ay Visa la’aan ku soo gasho gudaha Puntland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga iyo Puntland, Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta dowladda (PLTV) ayaa shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

“Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga Puntland.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli degaannada Puntland ay ku soo badanayan tahriibayaasha ka imaanaya koonfurta Soomaaliya iyo gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo qaarkood u sii gudbaan dhinaca dalalka Carabta.

Puntland ayaa ah dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay go’aan ah in deegaanadeeda lagu soo galayo Fiiso,waxaana dalka ka jira marka laga reebo Iyada 4 Maamul Goboleed oo kale iyo maamulka Somaliland.

Halkan hoose ka daawo hadalka wasiirka

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com