Dhageyso: Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool DDSI oo wajahaya 3 dhibaato

Jigjiga (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool deegaanka Balbaleyti oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmayaan qowmiyaddii kale ay la deggaan deegaankaasi.

Dadkani ayaa sheegaya in qoysas badan oo Soomaali ah ay ku xayiran yihiin deegaankaasi isla markaana loo diiday in ay halkaasi ka baxaan, iyadoo sida ay sheegayaan ay jiraan dhibaatooyin kale oo loo geysanayo, ayna xaaladda ku adag tahay.

Mid ka mid ah soomaalida halkaasi ku xayiran ayaa sheegay in xilligaan ay dareemayaan culeys farabadan,sida inaysan heysan xurid,xoolahooda la dhacay iyo in laga hos-istaagay inay Ganacsadaan.

Waxa uu sheegay in hadda ay sigaar ah u joogaan Goobo ay ku sugan yihiin Ciidamada federaalka Itoobiya,isla markaana meelna ay uga bixi karin.

Xiisadaha iyo dagaalka u dhaxeeya Qowmiyada Oromada ayaa ha mid mudo farabadan soo jiitameyey,isla markaana bilihii u dambeysay uu ahaa mid sii xoogeysatay.

Bulshada Soomaalida ee ku dhibaateysan deegaanka Balbalayti oo maamul ahan hoos tago Oromada waxay codsanayaan:

  1. In si kasta oo naloogu soo gurman karo gurmad bani aadaminimo oo degdeg ah na loo fidiyo.
  2. Iney xukumadda cusub gaar ahaanna Madaxweyne Mustafe Cumar uu maamulka Oromada nagala hadlo maadaamaa inaan si nabad ah ku dagganaano Balbalayti noo diideen sidi wadda aan marno ay noogu banneyn lahaayeen inuu nagala hadlo.
  3. Umadda Soomaaliyeedna waxaan ka codsaneynaa iney noo soo duceeyaan sidi uu ilaahey inaga oo nabad qabno meeshan aan ku dhibaateysannahay nooga saari lahaa iyo wixi kale ee karaankooda oo ay noo qaban karaan