Dhageyso: Qareenka Somalia oo sharxay cabirka dhul-badeedka ay Soomaaliya heshay iyo kan Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah qareenadii u dooday Soomaaliya xilligii uu socday muranka badda ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya oo lagu magacaabo Paul Reichler ayaa markii u horeysay ka hadlay xukunka kiiskii badda ee maxkamadda cadaalada aduunka (ICJ).

Paul Reichler oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in maxkamadda ay Soomaaliya u xukuntay 75% kamid ah dhulkii lagu muransanaa, halka ay 25% kale ay siisay Kenya, isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay in maxkamadda si isle’eg ugu qeybisay labada dal intii lagu muransanaa.

Paul Reichler ayaa wareysigiisa ku sheegay in dhulka loo xukmiyey dhanka Kenya uu maray ceel loo qoday in laga sahmiyo shidaal, inkasta oo aan weli saliid laga soo saarin, sida uu sheegay.

“Dhulka uu muranka ka jiray waxa uu ahaa in waxyar ka yar 41kun oo Sours/KM, waxay maxkamada ay siisay Soomaaliya wax inyar ka yar 31kun oo KM-Scour, halka ay Kenya ay ka siisay wax inyar ka badan 10kun oo Sours/KM,” ayuu yiri Paul Reichler.

“Maxkamadda waxay jeexday xad badeed qeexan oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya waxayna soo afjartay murankii mudada soo socday ee ahaa halka uu marayo xadka, xukunka maxkamaddana waa kama dambeysay oo majirto sabab kale oo looga murmo xuduuda bada iyo kheyraadka ku jira.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in maxkamadda ay waxyar ka leexisay xariiqi Soomaaliya markii hore rabtay inay ku saleysay, hase yeeshe waxay ku sameysay isbedel lagu sigibtiray cadaalada maxkamadda, si loogu kalsoonaado.

“Ma jiraan wax ceelal ah xiligaan, waxaa lagu sameeyay sahmin, Kenya waxay ka sameysay sahmin sidoo kale Soomaaliya waxay ka sameysay sahmin, laakiin shidaal qodis dhab ah kama dhicin, saliida lagama helin.”