Odayaashii maanta la kulmay Shaakh Shaakir oo shaaciyey go’aanka uu qaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka degmada Guriceel oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in waan-waantii ay xiisada Galmudug ku dejinayeen uu ka diiday Sheekh Shaakir oo kamid ah hogaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Odayaasha ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu diiday inuu ka baxo degmada Guriceel si looga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada uu diyaarinayo maamulka Galmudug iyo kuwa taabacsan Sheekh Shaakir.

“Waxaa ka codsaneyn inuu magaalada ka baxo, meel ka baxsan uu tago anaguna aan markaas raadino in aan lagu soo duulin oo wada-hadal furmo intaas ayaa u sheegnay oo ka codsanay, arrinkaas isaga ah waqti badan ayuu qaata oo dood kulul ayaa na-dhexmartay oo wuxuu ku soo qatimay ka guuri maayo Guriceel,” ayuu yiri Oday kamid ah kuwa la hadlay warbaahinta.

“Sheekha waa ka suuro-geli weyso, aqbal kama sidno. Qof uu wax ka maqlayana la arag, in lala diriro oo cid kale u naxariisan, tan kale waxaa leeyahay maamul goboleedka Galmudug ayaa waddanka uu leeyahay.”

Sidoo kale waxay sheegen inay ka shaqeynayeen in uusan dagaal dhicin, hase yeeshe uu hogaanka Ahlu-Sunna uu ku madax adeygayo in uu ka baxo Guriceel, kadibna uu wada-hadal la furo maamulka Qoor-Qoor.

“Waxaa ku hadleyna af guud oo Ceyr iyo af guud oo Guriceel, waxaa ku bixinay juhdi badan oo maqsuudka ugu tagnay waxay aheyd ka kor qaad culeyska meesha oo meel kale tag, waxaa sheegeyna waxa uu ina yiri inay yihiin.”

Arrintan ayaa imaneysa xili uu maamulka Qoor-Qoor ku jiro abaabul dagaal oo ka dhan ah hogaanka Ahlu-Sunna oo isku aruursaday Guriceel, ayada oo hogaanka ururkana uu ka madax adeygayo wareejinta maamulka degmada.