Xiisadda dagaal ee dalalka Azerbaijan iyo Armenia oo dib usoo cusboonaatay

Baku (Caasimada Online) – Ciidamada Armenia ayaa Khamiistii dilay askari Azerbaijani ah, waxaa sidaas sheegay saraakiisha Baku, ayada oo ay dib usoo cusboonaatay xiisadda labada dal ee deriska ah, kadib dagaalkii sanadkii tegay ku dhex-maray gobolka Nagorno-Karabakh.

Wasaaradda difaaca Azerbaijan ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in mid ka mid ah askarteeda habeenii Khamiista lagu dilay “toogasho ay fuliyeen ciidamada Armenia ee ku sugan dhulka Azerbaijan.” 

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in askarta Armenia lagu arkay dhul ay si ku-meel gaar ah u maamulaan ciidamada nabad-ilaalinta Ruushka, ayna ugu baaqeen howl-galka korjoogteynta wada-jirka ah ee Russia iyo Turkey inay baaraan dhacdadan.

Warka ku saabsan dhacdadan ayaa yimid ayada oo wasiirada arrimaha dibedda Armenia iyo Azerbaijan ay Ruushka wada-hadallo kula lahaayeen Belarus Khamiistii, si loo hagaajiyo xiriirkooda.

Dagaalkii Nagorno-Karabakh ee deyrtii hore ayaa dilay 6,500 oo qof, wuxuuna horseeday in Armenia ay weyso gacan ku haynta dhul ay maamuli jirtay tobanaan sano. 

Azerbaijan iyo Armenia ayaa kadib waxay labaduba weriyeen toogashooyin dhowr ah oo ka dhacay xuduudda, taasi oo sare u qaaday cabsi ah in dagaal uu mar kale ka qarxi karo dhulka lagu muransan yahay. 

Gooni u goosatada qowmiyad ahaan kasoo jeeda Armenia balse ku nool gobolka Nagorno-Karabakh ayaa isku dayey inay ka go’aan Azerbaijan kadib burburkii Midowga Soviet, waxaana dagaalkii xigay ku dhintay qiyaastii 30,000 oo qof.