27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Dhageyso: QM oo hal arrin uga digtay Musharixiinta maamulka Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada online) Wakiilka Gaarka ah ee  QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa Musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada Maamulka Puntland wuxuu uga digay in hantida dadweynaha ay u adeegsadaan ololaha doorashada.

Mr: Key wuxuu sheegay in Musharaxiinta deegaanada Puntland looga fadhiyo inaysan hantida shacabka u adeegsan olalooha doorashada  iyadoo musharaxiinta dadaalo ay  ugu jiraan kasbashada shacabka Maamulkaas.

Isagoo Magaalada Gaalkacyo kula hadlaya danjire Key, ayuu sheegay in Puntland ay ka caawindoonaan qabsoominada doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi isagoona ku baaqay ilaalinta xasiloonida Puntland.

Gaalkacyo waxaa ku sugan qaar ka mid ah rag dhaliilsan siyaasada Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, iyo Musharixiin u hanqal taagya qabashada xilka madaxtimada Maamulka Puntalnd.

Bilowga sanadka Cusub ee 2014 waxaa lagu wadaa in deegaanada Maamulka Puntland ay ka dhacaan doorashada xilka madaxtimada Maamulkaas waxaana musharixiinta qabashad xilkaasi u taagan ka mid ah Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/wali Maxamed Cali Gaas.

Halkaan Ka dhageyso Nicholas Kay

Nicholas Kay

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News