Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad heer sare ah oo maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia, ayaa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku magacaabay ra’iisul wasaarihii labaad ee soo mara dalka Somalia muddo 14 bilood gudahood ah, kadib markii baarlamanka uu ceyriyey ra’iisul wasaare Saacid.
Madaxweyne Xasan ayaa jagadaas u magacaabay Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo ah aqoonyahan rug caddaa ah, kaasi oo noqon doona ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, kadib marka uu ansixiyo baarlamanka Somalia.
Kadib markii la magacaabay, ayaa ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Somalia Dr. Cabdi Weli Sheekh Axmed waxa uu ka hadlay dareenkiisa sida uu yahay.
Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday waxyaabaha ka midka ah qorshayaashiisa, wuxuuna sameeyey ballanqaadyo dhowr oo muhiim ah.
Halkan hoose ka dhageyso codka ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia loo magacaabay
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]