25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Dhageyso: Farmaajo “Dimiqraadiyada waxay ku jirtaa in muwaadinka la siiyo in uu wax doorto

Bookmark
Bookmarked

Share

(Caasimada Online. Muqdisho) Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Maxamed [Farmaajo] oo wareysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha ka howl gala Muqdisho ayaa ku nuux nuuxsaday in habka ugu habboon oo Soomaaliya aay doorasho uga dhacdo aay tahay in muwaadin walba oo Soomaali ah la siiyo fursad in uu codkiisa ku doorto madaxda dalka ka talineyso. Farmaajo ayaa sidoo kale ka shanqariyay in nidaamka xisbiyada uu aas aas u yahay dimoqraadiyadda iyo dowlad wanaaga.

RW Farmaajo ayaa ah siyaasi qunyar socod ah, mar walbana ku taageera dowladda haddii aay la yimaadaan ficilo dan u ah dalka iyo dadka, isla markaana ka waaniyo markii aay dowladda la timaado ficilo aan dan u ahayn dalka iyo dadka. Farmaajo oo ah horyaal siyaasadeed u ku caanbaxay in loo shaqeeyo danta qaran lana cirib tiro wixii wiiqayay danta qaran sida musuqmaasuqa..

RW Farmaajo oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in isha uu ku hayo doorashada madaxnimo ee sannadkan ka dhici doonta Somalia, kaddib wareysi uu siiyay idaacadda Goobjoog FM.

RW: Farmaajo Ayaa ku baaqay in haddii 4.5 noqotay Xal in doorashada 2020 Dalka loo diyaariyo in nidaamka xisbiyada uu noqdo xalka kaliya ee loo baahan yahay maanta.

Hadalada Farmaajo ayaa waxaa ka mid ahaa “Runtii dalkaan wuxuu la habsamay oo caalamka uga haray, uuna u noqday kan adduunka ugu liita… anigoo og in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin shacab fiican oo karti iyo dadaal badan. Waxaan uga harnay adduunka waa in hoggaanka Soomaaliya ay keeni waayeen xal looga gudbo dhaqan-xumada siyaasadeed ee halkii aan qabsado ha la ii gooyada ah. Taasoo ku dhisan Danta Guud kama shaqeynayo ee waxaan ka shaqeynayaa Danta Qabiilkeyga iyo midda aniga ii gaarka ah.”

Mudane Famaajo oo mar kale la weydiiyay, su’aal ahayd; sida xaaladda dalka uu ku sugan yahay ay ula muuqato, haddii ay ahaan lahayd Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda. Isagoo ku jawaabay.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in ciidamadu ay yihiin awoodda dalka oo dhan ugu weyn, xilli hadda lagu jiro xaalad dagaal… Isagoo xusay in ay ahayd in ciidanka loo dhiso guryo… askarta dhintana carruurtiisa la xannaaneeyo, balse aanay mas’uuliyada dowladda saaran ahayn in mushaarka ciidamada la siiyo ee aadka u yar laga fikiro.

Ugu dambeyn, Wareysiga uu Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia uu siiyay Goob-joog FM oo aad u dheeraa, ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo fara badan, isagoo shacabka ugu baaqay inay la xisaabtamaan dowladda oo aysan ka bixin, marka kalena ay sugidda ammaanka iyo canshuuraha bixintooda kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

[su_audio url=”http://www.hiiraan.com/images/2016/mar/Dhageyso_Wareysiga_uu_Farmaajo_siiyay_Goobjoog_FM.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News