Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha Xilka Ra’isal wasaarnimo ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa waxa uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan Xukuumada Cusub ee dhowaan lasoo dhisi doono.
Saacid ayaa shacabka soomaaliyeed ka codsaday in sidii ay xukuumadiisa u garab taagnaayeen shacabka si la mid ah ay ula shaqeeyaan Ra’isal wasaaraha cusub ee uu madaxweyne XasanSheekh Maxamuud dhowaan Laga filaayo inuu soo magacaabo.
Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” aya waxa uu sheegay in uu u rajeynaayo Xukuumada Cusub ee dhawaan la soo dhisaayo in ALLE u fududeeyo howlaha adage e horyaalla iyo doorka siyaasadeed ee wadanka u yaalla sanadka 2016 ee uu sheegay Mudane Saacid in lagu gabagaben doono hab Dastuuri ah oo qof walibo xur u yahay inuu u codeeyo shaqsigii uu doono.
2 dii Bishan December ayay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxay kalsoonida kala noqdeen Xukuumada ra’isul wasaare Saacid kadib mudo seddex maalin ah oo ay Mudanayaasha Baarlamaanka ka doodayeen arintiisa.
Halkan ka dhageyso Saacid
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho