Dhageyso: Saraakiisha Barre Hiiraale oo diyaar u ah inay Ku biiraan Maamul-ka Axmed Madoobe ee Juba, Sabab?

Muqdisho (Caasimada online) Saraakiisha Hogaamisa ciidamada Col,  Barre Aadan Hiiraale, ee  ku sugan  duleedka degmada  Kismaayo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay lashaqeeyaan Maamulka Jubba ee KMG ah ee uu hogaanka u hayo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Mas’uul u hadlay Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa shaaciyay in Axmed Madoobe uusan jirin dagaal hore oo kala dhexeeyay Balse mida ay markii hore kaga soo horjeedeen ay aheyd in Maamulkaas uu diidanaa inuu hor tago dowlada Soomaaliya .

Wuxuu sheegay in iminka maamulkaas ay u hogaansameyn dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inay talada dalka iyadu leedahay waxaana uu sheegay in dhankoodana ay diyaar u yihiin inay nabada ka shaqeeyaan isla-markaana ay wax la qeybsadaan maamulka iminka talada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo haya  ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo.

Ciidamada Duleedka Kismaayo ku sugan ee uu hogaamiyo Barre Hiiraale ayuu sheegay in dhawaan ay gudaha magaalada ay si nabad ah ay ku gali doonaan , waxaana uu sheegay in dagaalka Maamulka talada haya iyo inayga uu ku koobna intii dowlada iyo maamulkaas ay kala fogaayeen haatana wax waliba xal xalaga gaaray.

Dhawaan ayay saraakiishan iyo Maamulka Kismaayo  Ka arimiya ee KMG ah waxay ku wada dagaalameen Gudaha Magaalada Kismaayo  Inkastoo khilaafkii xilligaas gacan ka hadalka Sababay iminka Heshiis laga gaaray , walo si rasmi ah wali aysan heshiis buuxa oo nabadeed aysan gaarin Barre Hiiraale oo Kismaayo looga soo itaal roonaaday iyo Axmed Madoobe.

Halkana ka dhageyso Sarkaal u hadaly Barre Hiiraale

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com