A.Madoobe oo ku wajahan Brussels & Hooygiisa oo madaafiic lagu garaacay

Kismaayo (Caasimada online) Sarkaal ka Tirsan Maamulka Jubba ayaa xaqiijiyay inay jiraan in  Madaafiic lagu garaacay howlka Hogaamiyaha Maamulkaas Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, inkastoo wali aan la heyn Khsaaraha Dhabta ah ee ka dhashay Maadaafiicdaas.

Maxamuud Khaliif Cali,oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka Jubba oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay nay jiraan Madaafiic laga Soo tuuray dhanka duleedka magaalada inay ku dhacday Hooyga hogaamiyaha Maamulkaas inkastoo uu shaaciyay inaysan jiri khsaaro madaafiicdaas ay geysteen .

Wuxuu ku gaabaday kaliya ainay jiraan in madaafiicdaas lagu garaacay hooyga hogaamiye Axmed Madoobe,waxaase uu xaqiijiyay jiritaanka  Arintaas oo uu sheegay inay ka dambeeyay dad mucaarad ah oo kasoo horjeeda maamulkooda sida uu sheegay waxaana uu tilmaamay inaysan jirin wax khasaaro ah.

Ku dhawaad 70- dhalinyaro ah ayuu sheegay inay ku soo qab qabteen howlgal ay magaalada ay ka sameeyeen ciidamada Maamulkooda si amniga magaalada ay u xaqiijiyaan, kuwaas oo uu tilmaamay inay xilligan ku jiraan saldhigga magaalada Kismayo halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.

Maanta waxaa wadooyinka magaaladaas isku gadaamay ciidamamada Maamulkaas , kuwaas oo dadka deegaanku ay sheegayaan in wado waliba ay buuxan , waxaana lasoo warinayaa in aniga magaalada ay si aad ah u adkeynayaan .

Sidoo kale garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa Barqo nimadii maanta ka duulay Hogaamiyaha Maamulkaas oo iminka ku sugan magaalada Kenya , waxaana wararku ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu ku wajahan yahay magaalda Brussles ee dalka Biguim-ka halkaas uu ka furmi doono shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya , kaas oo sida la sheegay dhaqaalo logu aruurinayo Soomaaliya.

Axmed Madoobe, Hogaamiyaha Maamulka Jubba oo Saxaafadda kula hadlay garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa sheegay inuu ku wajahan yahay madagaalada Brussels ee Dalka Bilguimka halkaas oo uu kaga qeyb galayo shirka ka furmaya 16-Ka Bishan kaas oo sida la tilmaamay looga Hadlayo arimaha Soomaaliya .

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasmada@live.com