DFS oo lagu eedeeyay in ay raali ka tahay dhibaato goboleed baahday

Marka (Caasimada Online) Maamulka magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose, ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay weli ka caga jiideeyso qaadida isbaarooyin yaala inta u dhexeysay Afgooye iyo Marka.

Guddoomiyaha magaalada Marka, Maxamed Yariisow oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in weli isbaarooyin ay yaalaan gobalka Shabeelaha hoose, gaar ahaan deegannada Muuri iyo Lafoole.

Wuxuu sheegay in wasaaradda gaashandhigga xukuumadda Soomaaliya aysan hadda diyaar u ahayn in qaado isbaarooyinka halkaas yaala.

Guddoomiyaha ayaa cadeeyay in dhammaan isbaarooyinkii yaalay gobalka la qaaday marka laga reebo kuwaas oo uu sheegay in ay u yaalaan ciidamada millitariga dowladda Soomaaliya.

Mr. Yariisow ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in haddii la qaadayo isbaarooyinka laga dhammeeyo gobalka oo dhan, haddii kale koox kaliye loo oggolaan sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay in maalintii shaley oo Jimco ahayd, in kooxo hubeysan ay ku rasaaseeyeen baabuur ay dad shacab ah saaran yihiin deegannada Lambar 50 iyo Muuri ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dhaawacay ayuu yiri labo qof oo mid ka mid ah uu yahay garaab.

Hadalka guddoomiyaha Marka ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadkii hore uu booqday magaalada Marka madaxweynaha Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuumadda, kuwaasoo u ballan qaaday dadka dadka reer Marka iyo guud ahaan gobalka Shabeellaha Hoose in ay la qaadi doono dhammaan isbaarooyinka halkaas yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho